London(Subulahanews)-Iyadoo maalmahanba ay dagaalo culus ka socdeen degaano ka tirsan gobolada Jubooyinka ayaa galabta ilaa caawa waxaa duleedka degmada Afmadow ka dhacay dagaalo aad u qaraar oo u dhexeeya ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada KMG ah oo hal dhinac ah iyo xoogaga Al-Shabaab.
Saraakiisha Al-Shabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegay iyagoo la hadlayey warbaahinta taageerta Al-Shabaab iney dagaalkaas guud ahaan dib u qabsadeen degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose oo ay gacanta ku hayeen ciidamada huwanta ka dib dagaalo qaraar oo galabta ilaa caawa ka dhacay duleedka degmadaas.
Waxay intaa ku darayaan Al-Shabaab in dagaalka galabta oo ka dhacay sida ay sheegayaan degaanada u dhexeeyo Miido iyo Afmadow ay ku soo rideen labo ka mid ah dayuuradaha dagaalka Kenya gaar ahaan kuwa helicobterska loo yaqaano, oo gacan siinayey ciidamada dhulka, markii lala helay gantaalo sida ay sheegeen, waxayna xuseen in mid ka mid ah dayuuradahaas ay ku dhacday iyadoo holceysa halka loo yaqaano tuulo Oomane.
Sidoo kale saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegaya in meydadka boqolaal askari oo ay ka dileen ciidamada huwanta ay daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay oo ah dhul howd ah oo ku yaala duleedka degmada Afmadow, hase ahaatee ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Sidoo kale xiriiro aanu la sameynay saraakiisha ciidamada dowlada Somalia ee Jubooyinka iyo dad kale oo ku sugan degmada Afmadow iyo degaano kale ayaa dhamaantood suurageli waayey inaanu telefanka ka ku helno.
Subulahanews.
