Hargeysa(Subulahanews)-Boobe Yuusuf Ducaale oo Madaxweyne Siilaanyo shalay xilka ka qaaday oo Waaheen wax ka weydiisay goorta uu xilka wareejinayo ayaa sheegay inaanu xilka wareejinayn ilaa ay wareejiyaan labadii Agaasime Waaxeed ee uu xilka ka qaaday Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Sayid Maxamed Mire.

“ Xil aan wareejinayaa ma jiro ilaa ay labadii Agaasime Waaxeed ee aan xilka ka qaaday ku wareejiyaan labadii masuul ee cusbaa ee aan magacaabay, haddii kale Wasiirka uu Madaxweynuhu yidhi Xilka ku wareeji isagu ha iskala wareego wasaaradda ugu iman maayo aniguye” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale

Hadalka Boobe ayaa ka dhashay dood adag oo ka taagan Boobe haddii uu tagay wax aka danbeeya ee ka dhalan kara Xilka qaadistii uu ku sameeyay Dhuxul iyo Sayid oo ay balantu ahayd sabtida inay xilka wareejiyaan balse u muuqata maadaama Wasiirka Dartood loo eryay inay soo noqon doonaan iyagoo is bidaya inay guulaysteen isla markaana ay haystaan awood ka badan intii ay awal is bidayeen.

Si kasta ha ahaatee waxa la sugaaba waa talaabada ka dhalan doonta Hadalka Boobe oo u dhici doonta laba mid in go’aankii uu ku magacaaby labada nin ay xukuumaddu fuliso iyo inay noqdaan niman aad nidaamkaasi tixgalinayn oo yeelaya waxay doonaan.

Haddii ay u dhacdo inay diidaan xil wareejinta loo balansan yahay Dhuxul iyo Sayid Sabtida waxaka dhalan doonta in xaaladda Wasaaradda Warfaafinta oo laba sano sal dhigi la ay cirka ku sii shareeranto oo ay labada masuul ee xilka lagala noqday waa Xuseen C/laahi Deeqsi iyo Cumar Maxamed faarax oo ah mishiinada wareejiya hawlaha Telefishanka iyo Wargeyska Dawan iyana ay Calool xumada ka dhalata arrintaas awgeed cawaasiif badan ku kicin doonaan iyagoo adeegsanaya inta badan shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta oo ka soo horjeeda adeegayaasha Madaxtooyadda ee Horyaal oo noqday Buro la dhul dhigay suxufiyiintii Warbaahinta Dawladda.

Haddii’se ay wareejiyaan oo ay banaanka wasaaradda ka joogaan waxa dhici doonta Boobe inuu si heer sare ah u wareejiyo xilka isla markaana uu Dooxi doono waxay Bulshadu ka sugayso oo ah wixii uu ka bartay sadexdii bilood ee uu xilka hayay Xukuumadda Kulmiye oo aanu awal ka mid ahayn basle saaxiibtinmo isaaaaga iyo Oday Siilaanyo muddo dheer ka dhaxaysay ka dhigtay Golahiisa Xukuumadda.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook