Hargeysa (Subulahanews)- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ah Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa ka hadlay xil ka qaadista Madaxwayne Siilaanyo ku sameeyay Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-galinta Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe).

Mujaahid Cali Guray, waxa uu sheegay inuu Boobe Yuusuf Ducaale uga digay xilka hadda Madaxwaynuhu ka xayuubiyey, isla-markaana u sheegay inuu ogyahay in aanau wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ka amar qaadanayn, taasina ay ku keenayso in xilka si deg-deg ah looga qaado, taasina maanta rumowday.

Mujaahid Guray, waxa uu sheegay in dadku ilaa shalay markii xilka laga qaaday Wasiir Boobe ay waydiinayeen Boobe waxa ku dhacay “Dadku illaa shalay waxay I weydiinayaan oo ay I leeyihiin Waar Cali ka waran saaxiibkaa Boobe”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Anigu hore ayaan u sheegay haddana waan sheegayaa inaan Boobe ku idhi markii xilka loo dhiibayey …Waar waxaan ogahay in aanad Xirsi kabo-qaad u noqonayn oo kolay xilka waa lagaa qaadayaa”

Mujaahid Cali Guray, oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa fariin u diray masuuliyiinta xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxaanu u tilmaamay in ninkii aan ka amar qaadanin Xisri Cali Xaaji Xasan ay u dambayn doonto xil ka qaadista lagu sameeyay Maxamed Xaashi iyo Boobe

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook