Muqdisho(Somaalinet)-Kulan ay Gudiga Doorashada Madaxweynha maanta ku yeeshay xarunta Golaha shacabka iskoola Bolisiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ka hadleen oo ay soo saareen shurudahaan looga baahanyahey Madaxweynaha Cusub kuwaas oo kala ah.
1-In Musharaxa doonaya Xilka uu yahay Muslim
2-In uu yahay Soomali
3-in uusan ka yareyn 40 sano da.diisu
4-in uu leeyahay aqoon uuna waaya aragnimo dheerad ah u leeyahay xilka madaxtinimo.
5-in uusan dambi galin oo aysan Maxkamadi soo xukumin
6-in uu bixiyo 10.000 dolar {toban kun oo doolar }oo diiwaan galin ah .
Sidoo kale gudiga ayaa sheegay in musharxii kasta looga baahanyahey in uu wato 20 xildhibaan oo ay shegaan in ay taageerayaan iyo qodobo kale oo la xiriira doorashada ayna gudiga doorashadu markaas ka dib Go’aan ka gaari doona
Somaalinet.
