Magalada Hargaysa sidaan ka warqabno waxay ahaan jirtay magaalada madax labaad ee somaliya wakhtigii dawladii dhexe ee soomaliya ,waxanan aad iyo aad u aaminsanahay hadii aanay somaliland samaysan calanka aan meelna kashabihin soomalinimada in maanta dadka woqooyiga soomaliyeed kunooli ay dhamaantoodba kafaa’idaysan lahaayeen Hargaysa oo noqota xarunta looga taliyo dawlada dhexe ee soomaliyeed inta Muqdisho ay noqonayso nabad ee ay dhibka ka daynayaan dadka isu arka maanta inay soomali wax dheer yihiin waa (Hawiya’e) .
Hadii ay akhristow Hargaysa noqon lahayd meel aanay dadkeedu ku dhawaaqin inay go’een ama ay noqdeen dawlad gaara waxaa hubanti ah inuu soomaliya xalkeedu noqon lahaa mid si dagdag ah loogu helo xal,waayo waxan qabaa dhibka maanta ka jira koonfur dadka soomaliyeed dhaliisheeda ma wada qabaan ee inta badan waxay gaar ku tahay reer qudha ama hadaan si kale udhigo Hawiye markaas hadii caasimada laga soo rari lahaa oo magaalada qudha ee u qalmi lahayd sifo aragti ahaaneed iyo mid sharci ahaaneedba waxay noqon lahayd magaalada Hargaysa oo markeeda horaba ahayd caasimada labaad ee soomaliya dadkeenuna maanta wuu ka faa’idaysan lahaa waxtigiii burburka soomaliya ku jirtay oo aan maanta ahayn mid yar ee ah 22 sano oo ilmihii dhashay ay uga dhiman tahay inuu jaamacad soo dhamaysto 3sano oo kaliya.
Hadaba eeda ah inay hargaysi ka faa’idaysan wayday 22 sano oo ay noqon lahayd caasimada dhexe ee somaliya, Hawiyana noqon lahaa mid aan soomalida kale wax dheerayn ayaa waxa iskale beesha dhexe ee woqooyi ama hadaan hadalka sikale diirka uga qaado ( isaaq ) mar waxay beeshani danbi ka galeen dhamaan dadka soomaliyeed oo ay ku keeneen kala qaybsanaan iyadoo dunida maanta ay kasocdaan midnimo (unifications) ,lagana fikirayo sidii loogu talaabsan lahaa sidii yurub oodhani ay u yeelan lahayd hal dawlad iyo hal madaxweyne iyadoon taasi maantaba meesha aanay ka maqnayn sababtoo ah, hadaba waxa aynu kawarqabnaa inay reer yurub dhamaan meel ay joogaanba iska warqaban.
Geesta kale hadaan fiirino waxaynu ognahay in maraykanku uu yahay dawlado kabadan 50 ama aan idhaahdee 53 dawladood oo xoogooda halmeel isugu geeyay marka somaliya oo intan le’eg wax la aqbali karo ama la yeeli karo maaha,
markale beesha dhexe waxay ka gashay dadka kunool woqooyi gar’ahaan reer awdal oo ay kunoqotay darbigii shiinaha een meelna loo dhaafi jirin,waxanan taas uga jeedaa umadda reer Awdal may noqdeen kuwa marnaba kataga Soomalinimada ee albaab kaas baalagu xiray aanay meelna udhaafi karin.
Hadaba si kastaba ha ahaatee Hawiyana muu noqdeen mid soomalida kale wax dheer taas waxan uga jeedaa soomali waxay wax ku qaybsataa 4.5 afar dhibic shan taas oo hawiye hayahay mid (1) markaas ta keentay mar walba in layidhaahdo beelaha kale manoqon karaan madaxwayne Hawiye mooyaane ayaa waxay tahay deegaankoodii oo unoqday nasiib wanaag caasimadii soomaliya laakiin taasi maaha mid faral ah takeentayse waa iyadoo lawayay meel ama magaalo Hargaysoo kale ah soomaliya oo dhan , taas waxan uga jeedaa tusaale wakhtigii madaxweyne cabdilaahi yuusuf ee dawlada soomaliya ku shaqaynaysay magaalada Baydhabo waxyaalaha dawladu ay aad u tabtay waxa kamid ahaa iyadoon baydhabo aanay ahayn magalo u wayn sida muqdisho ama hargaysa oo laga heli karo waxkasta sida :
1.meelo ciidanka dawladu dagi karaan
2.qasri fiican oo dawlada soomaliyeed ku shaqayso
3.meelo ay dagaan sida wasaaradaha dawladu
4.baaxad aad u wayn oo aanay lahayn
5.iyo iyadoo ahayd meel udhaw meeshii colaada looga soo cararay waa muqdisho’e
markaas waxan isleeyahay Hawiye soomalida kale waxay ka adkaan kari lahayd hadii caasimada somaliya noqon lahayd magaalada hargaysa
Qalinkii: Abdinasir Ali Suleiman
Email: loodoon25@hotmail.com
