Hargaysa(Somaalinet)Gudoomiyaha Xisbiga Udub Daahir Rayaale Kaahin iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Udub Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Udub ayaa xalay fiidkii gaadhey magaalada Boorama. Sida xogaha Qarannews soo gaadhayaa sheegayaan waxay isla saakaba halkaas ka bilaabeen shirar dooceedyo ay la qaateen taageerayaasha xisbiga Udub iyo qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada beesha Samaroon ee ay ka soo jeedaan iyagoo ku xodxodanaayey inay qasdiga safarkooda taageero hiil iyo hooba la garab istaagaan.
Gudoomiye Rayaale ayaa la sheegay inuu si gaara maanta ula kulmay waxgaradka,aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta dhawr Ardaa oo ka mid ah beelaha Makaahiil Samaroon kuwaas oo uu ka codsadey inay taageero hiil iyo hooba leh la garab istaagaan xisbiga Udub sidii ay horeba u taageeri jireen,Sidoo kale gudoomiyaha Udub Rayaale wuxuu weydiistay inay Ardaa waliba si degdeg ah u diyaariyo musharaxii/musharixiintii golaha degaanka uga qeyb geli lahaa ee xisbiga Udub u meteli lahaa.
Isku soo wada duuboo sida tibaaxaha naga soo gaadhaya safarka Rayaale Boorama ku joogo sheegayaan waxaa suurtogal ah in xisbiga Udub beri soo bandhigi doonaan liiska dafcadii koowaad ee musharaxiinta u tartamaysa golaayasha degaanka ee qaar ka mid ah gobolada dalka siiba Awdal oo Rayaale ku sugan yahay.
Source
Qarannews
