Muqdisho(Somaalinet)-Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in askar isugu jirta Kenyan iyo kuwa dowlada Somalia aan nolol iyo geeri lagu heyn, kuwaasoo ka mid ahaa ciidamada huwanta ee gobolada Jubooyinka kula dagaalamaya xoogaga Al-Shabaab.
Col. Cali Aadan Xaamud Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa intaa ku daray in askarta la yahay ee Soomaalida iyo Kenyanka iskugu jira ay tiro ahaan gaarayaan illaa shan askari oo labo ka mid ah ay yihiin Kenyan sadexda kalena dowlada KMG ah, isagoo xusay iney baadi goob ugu jiraan.
“Waxaan ka shaki qabnaa in askartaas ay nolol ku qabsadeen kooxda Al-Shabaab hase ahaatee baaritaano iyo dabagal badan oo lagu ogaanayo halka ay ku dambeeyeen ayaa socda, xaqiiqadana waa la ogaan doonaa” ayuu intaa ku daray Col. Cali Aadan Xaamud.
Afhayeenka ciidamada AMISOM oo wax laga weydiiyey meydadka shalay lagu soo bandhigay laguna jiiday magaalada Kismaayo ayaa qiray in labo ka mid ah ay ka mid yihiin ciidamada Kenya, labada kalena dowlada KMG ah, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in sidaas loo jiid jiido meydadka dad u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in askarta la la’yahay aysan kuwaas aheyn.
“Askarta Soomaalida ah ee shalay meydkooda la jiidayey Shabaab habeen hore ayey isbitaalka Afmadow kala soo baxeen iyagoo dhaawac ah marka degmadaas gudaha u galeen ka dibna wey dileen, anagu meydadkooda oo aad u tiro badan iyo dhaawacyaba waan ka heynaa hase ahaatee waxa ay sameeyeen oo kale ma sameyn karno” ayuu intaa ku daray afhayeenka oo sidoo kale sheegay in maalmaha soo socda ay la wareeegi doonaan magaalada Kismaayo.
