Addis ababa(Somaalinet)-(Meydka raisul wasaarihii geeriyooday ee dowlada Itoobiya Melles Zenawi ayaa maanta lagu wadaa in si heer qaran ah loogu aaso magaalada Adis ababa, iyadoo munaasabada aaskana ay ka qeyb galayaan madax fara badan oo caalamka isaga yimid, kuwasoo uu ka mid yahay madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia Shariif Shiikh Axmed oo shalay galab ka duulay magaalada Muqdisho.
Aaska oo sidoo kale la filayey iney ka qeyb galaan Shariif Xasan C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka baaqday sababahana lama oga, iyadoo Shariif xasan oo safar ugu maqnaa magaalada Nairobi uu ku soo laabtay Muqdisho, saacado ka hor shalay inta uusan Addis ababa u duulin Shiikh Shariif.
Raisul wasaaraha Itoobiya ayaa meydkiisa lagu aasi doonaan kaniisad ku taala magaalada Addis ababa oo ay ku aasan yihiin, laguna aaso madax iyo boqoro badan oo dalkaas soo xukumi jiray, waxaana meydka Senawi lagu garab aasayaa qabriga boqorkii hore ee dalkaas Boqor Xeyle Sallaase.
Madaxweynayaal fara badan, raisul wasaarayaal iyo wasiiro ka kala socda dalalka caalamka ayaa tan iyo xalay ku soo qulqulayey magaalada Adis ababa si ay uga qeyb galaan aaska Meydka raisul wasaarihii geeriyooday ee dowlada Itoobiya Melles Zenawi, waxaana aad loo adkeeyey amaanka magaalada Adis ababa.
Sida uu qorayo datuurka dalka Itoobiya Melles zenawi ayaa waxaa bedelaya ku-xigeenkiisii Haile-mariam Desalagn oo 47jir ah kaasoo si rasmi ah loogu dhaarin doono talada dalka Itoobiya ka dib aaska Meles Zenawi isagoo hogaamin doona dalkaas illaa sanadka 2015-ka oo la qaban doono doorashooyinka dalkaas.
Bishii hore ee Agoosto ayey aheyd markii magaalada Brussels ee dalka Biljium uu ku geeriyooday raisul wasaarihii geeriyooday ee Itoobiya Melles Zenawi oo 57 jir ahaa ka dib markii uu xanuunsaday, waxaana uu talada dalkaas qabtay sanadkii 1991-kii markii Jabhadii uu hogaaminayey ee EPRDF ay xukunka kaa tuurtay Mingustu Xaile Mariam oo ahaa madaxweynihii dalkaas.
Raisul wasaarihii geeriyooday ee dowlada Itoobiya Melles Zenawi waxaaa la sheegaa in uu horumar dhinacyo badan leh gaarsiiyey dalkiisa uuna xukun ku jira gacan bir ah ku maamulayey Itoobiya 21-kii sano ee uu xilka hayey inkastoo lagu eedeeyn jiray xarig iyo caburin uu kula kici jiray mucaaradka dowladiisa, waxaana geeridiisa ka dib laga cabsi qabaa in dalka Itoobiya uu kala daato
Somaalinet.
