Muqdisho(Somaalinet)Kalfadhigii baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka furmay xarunta golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho waxaana looga doodayaa arrinta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa  guddoominaayey guddoomiyaha baarlamanka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyadoo furitaanka kulanka ay soo xaadireen 164 mudane balse gadaal ay kaga soo biireen xildhibaanno kale.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ka hadlay kulanka ayaa soo hordhigay ajandaha laga doodayo maanta taas oo ah in doorashada murashaxa u tartamayo xilka Madaxweynaha uu haysto 20 cod.

guddoomiyaha ayaa dhanka kale tacsi u diray dowladda iyo shacab wadanka Ethiopia isagoona uga tacsiyeeyay geerida ku timid R/wasaarihii dalkaa Meals Sinewe oo maanta lagu aasayo magaalada Adis Ababa ee caasimada dalkaasi.

Sidoo kale guddoomiyaha gudiga doorashada Madaxtinimada Marwo Maryan oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in uu muran ka taaganyahay arrinta ku aadan doorashada maadaama mudaneyaasha qaarkood ay ka soo horjeedaan khudobada qaar ay soo bandhigeen dugida doorashada baarlamanka iyagaana ku macneeyay in musharax waliba uu xaq u leeyahay in uu isa soo sharaxo.

Source Radio muqdisho.http://radiomuqdisho.net/shirka-baarlamanka-oo-furmay-loogana-hadlayo-arrinta-doorashada-madaxweynaha/

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook