Hargaysa(Somaalinet)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ee ku sugnaa sadexdii maalmood ee la soo dhaafay Magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalkaas, oo ay kaga qeyb-galeen aas qaran oo Axadii loo sameeyay Raysal Wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanawi loo sameeyey, ayaa sheegay in cilaaqaadka labada dal uu halkaasi sii ahaan doono, isla markaana uu Xidhiidh wanaagsan Somaliland marka horeba la lahaa Raysal Wasaaraha Cusub ee dalkaas.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa intuu Caasimadda dalkaas ee Adis ababa ku sugnaa waxa uu soo kormeerey goobo badan oo ay ka mid tahay Safaarada Somaliland ee Magaalada Adis ababa, halkaasna waxa uu Warbixino kaga dhagaystay Masuuliyiinta Safaaradaas, kaas oo kormeerkaasi ka dib shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaaladda Addis-ababa kaga hadlay qaabkii ay uga qeyb-galeen aaskii Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya. Isaga oo Madaxwaynuhu arimahaas ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Si aad iyo aad ah u balaadhan ayaanu uga qeyb galay aaskii Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya, waxa uu ahaa aas balaadhan oo dunida oo dhami iskugu timid. Buuggii tacsidana waanu saxeexnay, Gurigiina waanu tagnay oo aanu u tacsiyadeynay shacbiga Itoobiya oo ah wadan aynu aad iyo aad iskugu dheer nahay, isku dheer nahay oo jaar nahay”. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya uu ahaa nin weyn oo ka baxay mandaqadda iyo Afrikaba, waxaanu yidhi “Raysal wasaarihii geeriyooday ee Itoobiya waxa uu ahaa nin weyn oo ka baxay afrika iyo caalamka oo dhan. Wuxuu ahaa nin Somaliland-na u wanaagsan oo aanu xidhiidh lahayn”.Madaxwayne Siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray “Tacsidaasi ayaanu u nimid sidii naloo qaabilayna way wanaagsanayd oo si ixtiraam iyo qadarini ku jirto ayay ahayd. Waxaanu fadhinay safka hore ee ay madaxda adduunku fadhiyeen,”ayuu yidhi Md. Axmed Siilaanyo.
Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay iskaashiga Itoobiya iyo Somaliland geerida Males Zanawi ka dib iyo Xidhiidhka ay la yeelan doonaan Raysal Wasaaraha cusub ee dalkaas, waxaanu yidhi “Itoobiya waxa xilka qabtay Raysal wasaare cusub. Somaliland diyaar bay u tahay waxaanay si buuxda ula shaqaynaysaa Raysal Wasaaraha cusub iyo masuuliyiinta Itoobiyaba mar kastaba. Labada dal waa laba dal oo jaar ah. Itoobiya waa dal weyn waxaana ka furan xafiiskii midowga Afrika. Waa dalka ugu weyn Geeska Afrika iyo mandaqadeenanba waana dal aynu saaxiib nahay oo dano badan iyo masaalix badani iskaga keen xidhan yihiin”.
Waxaanu intaas ku daray isaga oo Xidhiidhka labada dhinac ka hadlaya “Waan ku dedaalaynaa waana khasab sidii markii horeba xidhiidhka wanaagsani inooga dhaxeeyay uu sii socdo kaasi oo dhinac walba leh haddii ay tahay Nabad-gelyada, Ganacsiga iyo wada shaqaynta siyaasadaba, waanu ka wada shaqaynaynaa”.
Dhinaca kale, Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar Iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.
Source haatuf
