Hargaysa(Somaalinet)Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warfidiyeenada Qarannews u xaqiijiyey in wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale dhawaan ka iibsadey hantida qaranka ee lagu aaminay Guri Fillo ah oo ku yaala xaafada Ibraahin Koodbuur Galbeedka Hargeysa.

Wasiir samaale ayaa xoguhu sheegeen inuu Gurigan filada ah uu ka gatey Qoys Qurbajooga oo aan weli guriga degin balse markii macaash buuran loo saarey go,aansadey inay shirkadii dhistay mid kale u dhisto.Wasiir Samaale ayaa gurigan filada ah siistey lacag dhan $75.000 oo kaasha,islamarkaana maray nidaamka kala wareejinta lahaanshaha guryaha,Subarloogada Gurigana lagu diiwaan geliyey magaca Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Wasiir Samaale oo ah wadaad ka tirsan kooxda Al-islaax ahna weli wakiilkeeda Somaliland ayaa markii uu ku biiray golaha wakiilada Somaliland wadaadninadii lagu arki jiray wax ka soo noqdeen, islamakaana ku biiray liiska ash-khaasta madaxweynahii hore Rayaale kula dhiiran jiray weedho xanaf badan iyo hadalo meel ka dhaca oo aan loo miidan deyin,dhaqanka suuban iyo diinta islaamkana waafaqsayn.

Arintu si kasta ha ahaatee wasiir Samaale ayaa si lama filaana uga dhex muuqday mashruuca musuqmaasuq ee qoyska madaxtooyadu dhex dabaalanayo beryahan danbe oo loo bixiyey ” Qaataye adna qaado” ama “Boobaye adna boob” oo ah boob hantida ummadda Daaro qaaliya lagaga iibsado wadamada Kenya,Jabuuti iyo Uk.

Isku soo wada duuboo wasiir Samaale oo muddo Afar bilood ah hayey xilka wasaarada maaliyada ayaa la sheegay inuu beryahanba ku jiray mashruuc lacag urursi iyo Carbis uu doonaayo inuu ku hanto musharaxnimada madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye gudahiisa,daaqadana ka saaro ama ka takhaluso Muuse Biixi ,halka xogo kalena sheegayaan inuu Samaale doonaayo inuu isu dhigo ama noqdo Tiir-dhexaadka Garabka Midig ee Kulmiye oo Oday siilaanyo majaraha u qabto.

Source
Qarannews

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook