
Hoos Ka akhri ,Siyaabaha Saxaafada hargaysa ay uga hadashay arinkaasi……………………
Beesha Madaxweyne Saylici oo is hortaagtay Mashaariic Horumarineed oo Hay’adda USAID ka fulin lahayd Deegaanka Ceel-sheekh
“Hay’adda DAI wax hawla kama qaban karto Deegaanka Lughaya Barri ee ay Sacad Muusaha aad Saacidaysaan Muramaha Galiyeen” Beesha Maxamed Case
Hay’adda DAI oo joojisay Mashruuc Ceel Sheekh laga fulin lahaa oo ka mid ahaa sadex iyo Toban Mashruuc oo ay bixisay
Lughaya(Waaheen) Madax dhaqameed ka soo jeeda Beesha Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa bishii Ogost soo saartay laba qoraal oo ay ku socodsiisay Hay’adda DAI, ee fulisa mashaariicda Hay’adda Maraykanka ah ee USAID ay dalka ka wado, kuwaasoo wax tar u leh dadweynaha Reer Somaliland.
Hay’adda DAI oo ka jawaabaysa Digniinta Beeshaasi ayaa Joojisay Mashruuc Kalluumaysi oo laga Hirgelin lahaa Deegaanka Ceel sheikh oo ka mid ahaa 13 Mashruuc oo ay Bandhigtay Hay’adda DAI oo ay doonteen 290 hay’addo Wadani ahi, kuwaasoo Sadex iyo toban ka mid ahi ay ku guulaysteen. Kuwaasoo ay fulisay laba iyo tobankii kale kana joojisay kadib markii Hanjabaada kaga timi Beeshaasi waxba laga qaban waayay.
Mid ka mid ah Qoraaladda ay Madax dhaqameedkaasi qoreen oo Waaheen heshay waxa ay si toos ah Hay’adda DAI ugu qoreen 01/08/2012-ka, kaasoo u qornaa:-
Anaga oo ah Odayada iyo Salaadiinta Lughaya waxaan ku wargelinaynaa Hay’adda DAI, xafiiskeeda Boorama waxaan maqalay in aad mashruuc la bilaabaysaan niman sheeganaya Ceel Sheekh, meeshaas oo ah meel lagu muransan yahay oo aanay Doorasho ka dhicin, Cashuurna laga qaado ilaa imika.
Sidaas daraadeed waxaan Hay’adda ku wargalinaynaa in aanay sabab u noqonin isku dhac dadka meesha wada dega arrintaasna ay ka noqoto.
Magacyadda Odayada Qoraalka Sameeyay:-
Suldaan Abshir Muxumed Ducaale
Caaqil Csimaan Xasan Rooble
Proff: C/kariim Maxamed Rabiille
Caaqil Mahdi Cali Sheer.
Waxa kale oo ay Odayada iyo Madax dhaqameedka Qoraalkaas sameeyay hadana mar kale qoreen Qoraalkan oo ay ku kala socodsiiyeen Hay’adda DAI, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasaaradda Dibu-dajinta. Kaasoo soo baxay 12/08/2012.
Ujeedo: Wargelin
Anaga oo ah Salaadiinta, Cuqaasha iyo Aqoonyahanka Beelaha Deegaanka Lughaya waxaan ku wargelinaynaa Hay’adda DAI iyo Hay’adaha kalaba ee ka hawl gala Somaliland in aanay wax hawla ka qaban Karin lix tuulo oo Lughaya barigeeda ku yaala, taasoo muramo ay galiyeen ka tirsanaanta Lughaya niman Sacad muuse ah oo imika aad ku Saacideen damacooda Dhul balaadhsi, iyadoo damacaasi ay ka reeban yihiin kuwa aan wada degnaa ee waa niman xabaalo ku sheeganaya deegaanka.
Sidaa darteed, waxaan Hay’adda uga digaynaa in arrinkaasi nabadgalyada wax u dhimi doona haddii sida aan wax u maqalay rumoobo. Lixdaa tuulo cod lagama qaado Cashuurna lagama qaado. Tuuladda Ceel sheikh oo dadka dega aan anagu u badan nahay ma ogolin arrintaas. Waxaanan ku rajo waynahay inaad tix-gelin doontaan qoraalkan.
Magaca Suldaanada, Cuqaasha iyo Aqoonyahanka ku saxeexan
Suldaan Abshir Muxumed Ducaale
Caaqil Mahdi Cali Sheer
Caaqil Mahdi Muumin Hadi
Caaqil Xaamud Axmad Rooble
Oday Cismaan Xasan Rooble
Oday Jeex wacays Faarax
Aqoonyahan Muuse Carab Dugsiiye
Aqoonyahan C/kariim Maxamed Rabiile Good
Xaaji Yuusuf Cismaan Bullaale
Cabdi Geedi Waabari
Caaqil Cumar Cali Jibriil
Aqoonyahan Kulmiye Jaamac Rabiile Good
Qoraaladan ay mid ka mid ah Beelaha Lughaya u qortay Hay’adda DAI iyo Hay’addaha kale ayaa galaafatay ama is hortaagaysa Mashaariic kala duwan oo ay Hay’adahaasi wax kaga qaban lahaayeen Deegaanadaasi, kuwaasoo qaarkood-na ay Hay’addu bixisay kadib markii ay ku Guulaysteen dad ka soo jeeda Ceel-sheekh, qaarkood-na imika la filayay inay hawl galaanba.
Waxaanay talaabadan ka dhigan tahay Beel kasta oo Reer Somaliland ahi inay Awooda Dawladnimo gacanteeda ku fushato isla markaana ay ku hor istaagto Deeqaha Caalamiga ah ee ay maalin walba Xukuumadda iyo Bulshada Reer Somaliland Beesha Caalamka Barrido.
Dhinaca kalena, waxay muujinaysaa Itaal darada Maamul ee Xukuumadda talada haysaa, oo u muuqata mid aan uba jeedin dhibaatada dadkeeda haysta oo ay ka mid tahay dhacdadan oo ay ahayd inay talaabo ka qaado maadaama Go’aan beeleed lagu joojinayo Deeqihii Hay’adihii Caalamiga ahi Dalka keeneen, halkay ka ahayd in talaabo ay ka qaado.
Qoraaladan ayaa ku soo beegmaya wakhti Ololayaashii Doorasho ee Ururada iyo Xisbiyaddu ku tartamayeen bilaabmayaan, sida qoraalkooda ka muuqatana waxa hore u jiray khilaaf sababay inaanay Doorashooyin ka dhicin, iyadoo aanay ilaa hada Xukuumadda Somaliland ee talada haysa iyo kuwii ka horeeyay toona aanay wax xal ah ka gaadhin Deegaanadaasi. Sidaas daraadeed waxa Xukuumadda Somaliland iyo Beelaha wada dega deegaankaasba u taala sidii ay Xal waara uga gaadhi lahaayeen ku wada Noolaanshaha Deegaanka, manaafacaadsadaana wixii khayraad ah ama Deeq ah ee uu Illaahay siiyo.
Si kasta ha ahaatee arrintan iyo arrimaha kale ee Dalka ka taagan ee Dib ugu celinaya Xusuusta waayihii qalafsanaa ee la soo maray sagaashamaadkii ee ay kooxo yar yari ka amar ku taaglayn jireen deegaanada qaarkood.
http://waaheen.com/?p=46267
source waaheen
