Shan iyo labaantan nin ayaa ku tartamaaya kursiga madaxweynaha Somalia. Run ahaan musharaxiinta intooda badan waxay arkayaa kursigaa iyo siday ugu fadhiisan lahaayeen, qaarna waxay tartanka u arkayaan Gurmad soomali iyo Qarankeedii loo gurmanaayo. Professor Axmad Ismacill Samatar ayaa la hubaa inuu yahay nin ujeedadiisu tahay Gurmad, gurmad hiil ah oo loo gurmanaayo wadajirkii qoomiyada Somaliyeed, hiil loo hiilanaayo Qaranka dumay iyo dib u soo noolaytii dawlad soomaliyeed oo dib u soo celisa karaamadii iyo sharaftii ummada soomaliyeed ee magaceegii lagu tuntay.
Maanta ayay musharaxiintu bilaabayaan inay Barlamaanka Somalia xubnahiisa la hadlaan. Inta ay hagayso xunkun jacaylku waxay xooga saari doonaan siday u kasban lahaayeen codadka xildhibaanada oo horey lacago lagu baayacay. Professor Samatar oo ah musharaxa kaliya ee xisbi siyaasiya oo wadaniya ka socdaa ku koobnaan maayo inuu la hadlo xildhibaanada codayn doona balse wuxuu la hadli doonaa ummada soomaliyeed, hadalkiisuna waxaan hubnaa inuu noqon doono mid taariikhi ah oo bogaga taariikhda soomaliyeed ku xusnaan doona, dugsiyada taariikhdana jiilalka soo socdaa ku baran doonaan.
Si loo sharciyeeyo sidey musharaxiintu u kala hadli doonaan waa loo qori tuuray, natiijadiina waxay noqotay in Professor Samatar noqdo kan hadalka ku horey doona. Malahayaga qori tuurkaasi waa aayad Ilaahay Somali ku tusaayo inuu Professor Samatar yahay qofka ugu mudan ee maanta ku haboon hogaanka Somalia. Xildhibaanadu tolow sidaas ma u arki doonaan mise af wax cunay xishoo ayay arrintoodu noqon doontaa? Inta aan Aayadaasi hoos martaana waxaan filaynaa inuu indhuhu ugu furmaan qudbada Professorku maanta jeedinaayo.
Presidential Candidate
Professor Samatar wuxuu hadli doonaa isagoo ah muwaadin damqaday, muwaadin maskaxdiisa ka buuxaan natiijooyinkii cilmi baadhis 30 sanno u waday, muwaandin xildhibaan ah oo ka dhiidhiyay foolxumada ku taal magacii Somali ee wax soo baray. Wuxuu hadli doonaa isagoo ah muwaadin goostay inuu u soo gurmado ummadiisa, wuxuu hadli doonaa isagoo ah muwaadin aan damacsanayn inuu xoolo ka dhaqdo ummadiisa tabaalaysan iyo Qaranka dhaawacan.
Qudbada Professor Samatar nuxurkeedu, sidaan saadalinayno, ugu yaraan laba qaybood ayay noqonaysaa. Mar wuxuu la hadli doonaa xildhibaanada. Wuxuuna xujayn doonaa damiirkooda, wadaninimadooda, dadnimadooda. Wuxuu xasuusin doonaa waxay soomali ahaan jirtay, waxay noqotay iyo waxay noqon karto. Wuxuu taaban doonaa damiirkooda isagoo masuuliyadooda xasuusin doona. Wuxuu xasuusin doonaa inay muslim yihiin, wuxuu xasuusin doonaa in mustaqbalkii caruurtooda qacantooda ku jiro, Ilaahay ka sokow. Wuxuu maqashiin doonaa in Somalia Geesi wayday, in dadkii iyo dalkii godob laga galay. Wuxuu xasuusin doonaa in cadowga ummadu yahay qabiil, ka aaminay ee qabiil adoon u noqdayna inuu gaalnimo ku sugan yahay.
Marna wuxuu la hadli doonaa ummada soomaliyeed. Wuxuu taaban doonaa qalbigooda, wuxuu dareesiin doonaa inuu qalbiga iyo maanka ka og yahay saxariirtii soo martay soomali iyo dhibta ay weli ku jiraan iyo wixii keenay. Wuxuu u sheegi doonaa inuu u soo gurmaday, cilmigiisana ugu hiilin doono. Wuxuu soomali u sheegi doona inuu leeyahay kartidii lagu soo celin lahaa sharaftii iyo midnimadii qaranka. Wuxuu ummada soomaliyeed xasuusin doonaa inay iyagu yihiin kuwa dalka iska leh, wuxuu u sheegi doonaa inay mudan yihiin sharaf una qalmaan hogaan leh karti, wadaninimo, daacadnimo iyo aqoon u hiilisa.
Anagoo aaminsan in xubnaha Baarlamaanku badankoodu yihiin dad xilkas ah, haddii aqligu taliyo waxaan saadaalin karnaa in hadalka Professor Samatar xildhibaanada damiirka leh taaban doono. Inta hungurigu hagaayana waxaan filaynaa in hadalka Aqoon-Dhaliye Samatar aqliga u soo celin doonto. Inta weli aaminsan cadawga Somalia burburiyay oo ah qabiil, waxaan filaynaa in hadalka Professorku dawo u noqon doono ay kaga xoroobaan gumaysiga qabyaalada.
Runta qadhaadh ayuu Professor Samatar maanta ka shanqadhin doonaa waayo maaha shaqsi runta ka gabada. Maaha nin runta gorgortan galiya. Inay Somaali 21 sanno iyo in ka badan been ku dhaqmaysay, Dr Samatar sheegideeda ka gaban maayo. Halka musharaxiinta badankoodu soo jeedin doonaan hadalo beer-la-xawsi ah, professor Samatar wuxuu matagi doonaa Runta waayo wuxuu ogyahay in beeni Somali burburisay runtuna tahay tan qudha ee sahli karta in soomali is daba qabato. Sidii odey ka horeeyay ayuu ku maahmaahi doonaa: “ Beeni maxay qaban Booramaan ka imidee”.
Marka la eego baaxada dhibta soomali haysata, sidaan u burburnay, siday qoomiyadeenii u dhaawacantay, sida sharaftii soomali dhulka u gashay, sida soomali guud ahaan u nacasowday, waa lagama maarmaan in xildhibaanada Baarlamaanku muujiyaan karti, wadaninimo, daacadnimo iyo islaamnimo. Waxaa la soo gaadhay wakhtigii aan mugdiga ka bixi lahayn ee asaageen gaadhi lahayn. Jidka taas loo marayaana waa xildhibaanada oo Professor Samatar hadalkiisu ku duxo. Haddii hadalkaa Dhakhtar Samatar Ilaahay ku dhaadhiciyo qalbiga xildhibaanada waxaa hubaal ah inay xildhibaanadu cadayn doonaan inay ka xoroobeen qabiil. Dabadeed waxay noqon doonaan xildhibaano xilkoodii gutay oo u hiiliyay xaqa, wadaninimo, qaranimo, wuxuuna Ilaahay garansiin Geesiga kaliya ee soomali ka saari kara bohosha ay ku dhacday: Professor Axmad Ismaciil Samatar.
Ugu dambayn, Dr Samatar qudbadiisu waxay noqod doontaa mid Taariikhdu reebto. Mar haddii waxa soomali halkaa dhigay tahay geesi la’aan, maanta waxaa la hadli doona Geesi aan gaban, Geesi jecel dalkiisa iyo dadkiisa oo xambaarsan xikmadda ma-guuraanka ah iyo mahadha-reebtada ah ee uu Maanta ku xardhi doono sabuurada taariikhda soomaliyeed. Aan sugno Libaax samatar iyo qudbadiisa oo dhowr saac ina xiggaan, waxaanan rajaynaynaa, waa maali jimcaad e, in qalbiga xildhibaanada soomaliyeed noqdo mid awood u leh fahanka RUNTA.
Source
Wadhaf News-Editorial

