Borama(subulahanews)-Jaamacadda Camuud ayaa waxa maalinta bari ah ka dhici doonta xaflad wayn oo ay ku qalinjabin doonaan in  ka badan 500 oo arday oo wax ka baratay kuliyado kala duwn kuwaas oo noqon doona dufcadii  11aad ee jaamacadda Camuud, noqona doona tiradii ugu badnayd ee ka qalinjabisa Jaamacadda Camuud kuwaas oo isugu jira Diploma iyo Degree, waxana ka dhex muuqan doona ardaydii u horaysay ee ka qalinjabisa kuliyadaha IT-da iyo Engineering -ka.

Munaasabadan ayaa waxa lagu wadaa inuu ka soo qayb galo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo wafdi aad u balaadhan oo xukuumada ah, qurbojoog aad u tiro badan iyo dadwayno kale.

Hoolka xafladu ka dhacayso oo ah mid aad loo qurxiyay ayaa waxa uu marti galin doonaa dad ku dhow 2000 oo qof kuwaas oo noqon doona tiradii ugu badnayd ee ka soo qayb galayaal ah ee madal magaalda Boorama ah ku kulanta.

subulahanews/somaalinet.com

Borama/somaliland

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook