Hargaysa(Somaalinet)Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay warar maalmahanba Warbaahintu soo bandhigaysay oo sheegayey in Xubno hogaanka UDUB ka tirsani ay ku biireen ururka uu Guddoomiyaha ka yahay ee Wadani, kaas oo shaaca ka qaaday inay jiraan wararkaasi, isla markaana Natiijadooda ay dhawaan bulshadda u soo gudbin doonaan.
Guddoomiye Wakiilada, isla markaana ah Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Wadani C/raxmaan Cirro, waxa uu sheegay in ururada iyo asxaabta ay wada hadalo u socdaan uu ka mid yahay xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, isla markaana hadii uu warkaasi dhab noqdana Xisbiga ugu taariikhda waynaa Axsaabta Somaliland ka dhigi doono mid aan doorashadaba ka qaybgalin oo ka hadha.
C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Warbaahinta kula hadlayey Magaalada Hargeysa, kaas oo uu ku xaqiijiyey wada-hadalada u socda UDUB iyo ururo kale oo aanu carabaabin, kuwaasi oo nuxurkoodu yahay inay isku xoojiyaan, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Siyaasada ururka Wadani waxa ka mid ah in iskaashi la sameeyo. Ururada iyo axsaabta waxa noo furan oo uu xeerka Lamber 14/2011 noo ogol yahay in aanu iskaashano iyo in aanu wada-hadalno”.
Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, Md Cirro oo la waydiiyey inay jiraan wada hadalo u socda ururo iyo xisbiga UDUB ayaa ku jawaabay “Way jiraan ururo iyo axsaab aanu wada hadalnay, UDUB-na waxa uu ka mid yahay asxaabta qaranka, Waananu sii waddi doonaa wada-hadalaas oo socda, urur naga reebana ma jiro inaanu la hadalno”.
Dhinaca kale C/raxmaan Cirro oo la waydiiyey nuxurka waxyaabaha ay ka wada hadleen ayaa sheegay inay dhawaan soo bandhigi doonaan natiijadooda.
