Rushka(subulahanews)
Madaxweyne Putin ayaa duulimaadkii koowaad ku guul daraystay isla markaana halis naftiisu gali gaadhay markii uu isku dayay inuu kaligii duuliyo, mid ka mid ah diyaaradaha Soars loo yaqaan eek u shaqeeya quwada dabaysha, hasa yeeshee waxa uu ku guulaystay markii labaad, taas oo uu ka caawiyay mid ka mid ah duuliyayaasha diyaaradaha noocan oo kale ah.
Waxa kale oo duulimaadka madaxweynaha dalka Ruushku la xidhiidhay sidii loo badbaadin lahaa noocyo shinbiraha xuurta cas cas ah oo dalkaas oo kaliya ku nool, waxa kale oo uu ka qayb qaatay dawayn loo sameeyay noocyo ka mid ah Madax kutida ku dhaqan degaankaas oo xanuuno haleeleen ka dib markii xiliga xagaagu ku kululaaday.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa warbaahinta u sheegay in guul darada ka soo waajahday duulinta diyaaradaas yar ee ku shaqaysa, shiraaqu aanay ahayn mid farsamo xumo isaga dhiniciisa ka timid ka dhalatay, balse ay la xidhiidho dabaylo badan oo ka jiray deegaankaas, hasa yeeshee uu ku talo jiro in duulimaadkiisa labaad noqdo mid uu kaligii ku tamashleeyo sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo dalkiisa aad looga jecel yahay ayaa marar badan ka qayb qaata, hawlaha caadiga ah ee muwaadiniintu qabtaan, sida tartamada fardo fuulka baratanka, dhoogtanka iyo dabaasha oo uu ku yahay mid ku xariif ah, waxa kale oo uu ciyaaraa lagdinta iyo wadista gaadiidka baratanka ee Formula one ka loo yaqaan.
hoos Ka Daawo Sawirada.
subulahanews/somaalinet.com
Ruushka





