Hargays(Subulahanews)Waxyaalo isku dar ah oo kiimiko ah oo laga helay caleenta shaaha cagaaran ayaa loo isticmaalay ku daawaynta laba nooc oo ka mid ah Kansarka sida ay cadeeyeen khubaro ka tirsam jaamacadaha Straythclyle iyo Glasgow ee dalkaScotland oo ka mid ah boqortooyada Ingiriiska.

 

Khubarado waxay sheegeen in kimikadan aanay waxyeelaynin dadka caba shaaha, balse hadii lagu daaweeyo kansarka ay daawo fiican u noqon karto sida ay sheegeen Saynisyahannada labada jaamacadood ka kala socda oo cilmi-baadhistan fuliyey, waxay heleen in kiimikadan oo looyaqaan Epigallocatechin Gallate (EGCg) aanay wax saamayn ah ku keenin dadka,balse ay daawayso kansarka ku dhaca maqaarka .

 

Saynisyahannada waxa kale oo sheegeen in kiimikadan EGCg loo bedelaayo boratiin si dabiiciya u bartilmaameedsada unugyada kansarka, kaas oo halkooda ku baabiinaaya.

 

 

Ku dhawaan 10,000 qof oo ku nool dalkaIngiriiska ayaa sannad kasta ku waxyeelooba kansarka maqaarka ku dhaca,kuwaasoo badankoodu yihiin dumar sida ay sheegtay hay’addo taageerada u fidisa dadka Kansark ku dhaco ee Macmillan Cancer Support Charity.

 

Laakiin shaahu waa astaamu lagu yaqaano soomaalidu inay yihiin mujtmaca aad ka u caba ,waxaanad marba marka ka sii dabaysa maqlaysaa daraasadu sheegaaya faaiidooyin badan uu leeyahay qaybaha kale duwan ee shaahu ama caleentiisu

 

Ragg waa shaah Dumarna Waa sheeko ayeyba soomaalidu ku kaftantaan kuna maahmaahda

 

Mohamed ibrahin –Hargeisa

subulahanews

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook