Unlike any other candidate Dr Samatar is equipped—not with kinship, but with true conviction and the desire to restore his nation. He offers both a symbol and an image that the Somalis will be proud to have representing them in the global community. Once the world sees Samatar as the president of Somalia, they will look at him and say, “The Somalis have changed! They have awakened and come out of their political graveyard.” (Jaafar M SH Jama)
Musharax ayaa maalinta isniinta ah ee bishu tahay 10 hor iman doona Barlamaanka Somalia. Hubaal waxaa ah kii Ilaahay u qoray inuu kursiga madaxweyne ku fadhiisan doona. Ilaahayse aadamaha garaad ayuu ku manaystay waana waxay xoolaha kaga duwan yihiin. 25-ka musharax laba maalmood oo isku xigay ( shalay & doraad) ayay Barlaamnka soo hor dhigeen ajandahooga siyaasadeed ee wadanka ku maamuli doonaan haddii jagadaa loo doorto.
Dadweynaha soomaliyeed ee la damacsan yahay in dhibta laga saaro way wada dhagaysteen 25-kii musharax ninba siduu u hadlaybay. Qudbadihii ay musharixiintu jeediyeen ayaa run ahaan kala reebay, waxaana si cad oo caad lahayn mudh uga soo dhex yidhi musharaxa ugu aqoonta badan oo ah Professor Axmad Ismaciil Samatar oo ka socda xisbiga kaliya ee siyaasad ahaan xisbi la odhan karo: Hiil Qaran.
Tartanka isniinta, malahayga, wuxuu noqon doonaa mid lagu xaqiijiyo natiijada ka soo baxday dhagaysigii la dhagaystay qudbadihii musharaxiinta. Musharaxa hadalkiisii dadka deeqay ee inta caqliga leh qanciyay laba maahee waa Professor Axmad Ismaciil Samatar oo isagu ugu hor hadlay musharaxiinta.
Inkastoo wakhtiga musharaxiinta la siiyay koobnaa, Professor Samatar wuxuu ka faa’idaystay saddex shay oo ah codkarnimo, khibradiisa bare iyo khabiirnimadiisa dhinaca leadership-nimo ama hoggaanimo oo u sahlay inuu wakhti 20 daqiiqo ah ku soo murtiyeeyo barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga Hiil Qaran ka soo baaraandegay, barnaamijkaa oo ah siyaasada Professor Samatar damacsan yahay inuu dalka ku maamulo haddii doorashada uu ku gulaysto.
Prof. Axmad I. Samatar: knowledgeable, trustworthy, incorruptible—and most importantly, driven by shared principles
Hadalka Professorku wuxuu dulmar ku sameeyay qodobada ugu miisan culus ee ku xusan barnaamijkiisa. Wuxuu taabtay boogaha saddexda ah ee ugu waaweyn ee dalka haysta: Qoomiyadii somaliyeed oo dhaawacantay, dawladnimadii oo wayd ah iyo hoggaan xumo. Wuxuu ku darey dhibta ka taagan fikirka adduunweynuhu ama sawirka Somalia kahaysto oo keentay in sharaftii somaliyeed la baabiiyay. Afartaa qodob oo uu dul maray waxay ku xusan yihiin barnaamijka Hiil Qaran oo dajiyay qariidad ay u bixiyeen (3+1).
Professor Samatar wuxuu ragga dhigiisa ah kaga guulaystay inuu xubnaha Barlamaanka u sharaxo wax aan musharaxiinta kale soo hadal qaadin inkastoo arintaasi tahay dhibtii u weynayd ee burburin jirtay dawladihii ku meel gaarka ahaa. Taasina waxa weeyi sida hay’adaha dastuuriga ihi u wada shaqayn doonaan. Professor Samatar wuxuu yidhi ereyadan: “ Madaxweynaha maaha ka talada Somalidu ka go’do, Ra’isal wasaaraha maaha, golaha xukumada maaha. Halka taladu ummadu ka go’daa waa Barlamaanka Somalia. Haddaan Madaxweyne ii doorataan waxaan balan qaadayaa inaan magan u noqdo Barlamaanka”.
Dr Samatar oo Dhadhaab jooga
Qodobkaa Professor Samatar ka dhawaajiyay oo xildhibaanadu dulucdiisa si fiican u fahmeen, waa qodob fahan la’aantiisa ay la dhuntin jireen dawladihii KMG ahaa ee dalka soo maray. Professor Samatar balan qaadkiisaas wuxuu muujinayaa laba arrimood. Kow inuu aqoon balaadhan u leeyahay hab maamul-dawladeedka. Laba, waxaa cad in haddii Dr Samatar Madaxweyne noqdo inaan dib loo arki doonin madaxda sarsare ee dawlada oo isqabqabsata. Markii labada Shariif iyo Farmaajo isqabsan jireen, professor Samatar oo wax arrintaa laga waydiiyay ayaa ku jawaabay: “ Waxaa cad inayna fahmin sharciga ay ku shaqaynayaan ee ay ku soo heshiiyeen”.
Mucjisada kale ee hadalka professorka ku jirtay waa isagoo ku balan qaaday, siduu horeyba u sheegay, inuu mushaharkiisa ku shubi doono sanduuq waxbarashada lagaga bixiyo caruurta ugu fahmada badan ee ka soo jeeda qoysaska saboolka ah. Naxariista iyo xigmada balantaasi ka muuqdaa waa mucjiso aan horay loogu arag adduunka. Waa mid markhaati ka ah hadalkii Dr Samatar ee ahaa inuuna xoolo dhaqasho siyaasada u soo galin. Waa mid muujinaysa in Professor Samatar yahay dun xariir ah oo qarni ka horeeya dadkuu la noolyahay, waana calaamadaha lagu garto aqoonyahanada waaweyn siduu Cesare Baccaria, qarnigii 18aad buugiisa la yidhaa: On Crimes And Punishments, ku sheegay Waa mid marag ka ah inuu Samatar oo madaxweyne noqodaa ka dhabayn doono inaan dawladiisa lagu arag musuqmaasuq, dhaqanqaa halaaga ahna uu somalida ka dabiibi doono.
Sidaan ogsoonahay professor Samatar waa aqoonyahan safka hore kaga jira bulshada caalamka ee cilmiga dhalisa. Ninka karaamadaa leh ayaa guntiga u gaabsaday inuu Somalia ka soo saaro bohosha siyaasad-dhaqaale ee 21 sanno lagu daboolay. Wuxuu u soo gurmaday inuu sharaftii iyo karaamadii magaca soomaliyeed sabuurada taariikhda dib ugu xardho.
Dhinaca dhaqaalaha, amaanka, xidhiidhka dibada, midnimada dalka, tacliinta, arrimaha bulshada iwm., professor Samatar wuxuu soo bandhigay qorsheyaal cad oo gebi ahaanba ka duwan qaabkii wax loo maamuli jiray. Wuxuu Xildhibaanada ka hor sheegay aragti balaadhan oo ku waajahan qaabka Somalia loo soo noolaynaayo. Intii u hadlaayay Professor Samatar waxaa ka muuqatay dhiiranaan iyo daacadnimo. Wuxuu si run ka shanqadhayso ka dhawaajiyay in waxa qudha ee shidayaa yahay jacaylka dalkiisa iyo dadkiisa u hayo.
Hadal iyo dhamaantii, haddii xildhibaanadu danta wadanka, tan ummada, tan qaranka ku xisaabtamaan ciddey dooranayaan way cadahay waana Professor Samatar oo dib u soo celin kara sharaftii iyo karaamadii qaranka soomaliyeed. Waa musharaxa kaliya ee run ahaan wado cusub ku ridi kara Somalia, waa musharaxa kaliya ee kicin kara hasheenii MAANDEEQ ee godobta laga galay.
Mustaqbalkii Somalia iyo Somali wuxuu ku jiraa gacanta xildhibaanada sharafta leh. Maalinta isniinta ah fursaday haystaan maaha mid dib u soo mari doonta, waana taariikh la mid ah maalintii gumaysiga laga xoroobay. Professor Samatar oo dhaqanka soomaliyeed xoog u jecel qudbadiisii Barlamaanka wuxuu ku soo afjaray hees xujo ah oo Saciid Harawo qaado: Idinkiyo Ilaahay! Ujeedadu waa xildhibaanadow talo qacantiinay ku jirtaa, Ilaahay ka sokow. Haddii xildhibanadu iska xoreeyaan gumaysiga qabyaalada, kana aarsadaan kuwa lacag ku baayacay damiirkooda, kuna xisaabtamaan bohosha siyaasadeed ee somali ku dhacday, taariikda way la safan oo waxay dooran Professor Axmada Ismaciil Samatar, amba bohoshaas in lagu sii jiro ayay u codayn. Ilaahay kama dhigo xildhibaano dib u celiya rajada soo noolaatay.
Jama O Geele


