Muqdisho(SomaaliNet.com)Waxaa Saakay Banaanbax wayn ka Curteen  Daafaha Magaalada Muqdisho kaasoo lagu taageerayo Musharaxa Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana hada si toosa Banaanbaxyadu oga soconayaan Qaybo kamid ah Magalada Muqdisho.

Banaanbaxayaasha ayaa haatan si toosa u maraya Wadooyinka waawayn ee Magaalada Muqdisho ayadoona ay wataan Banaanbaxayaashu Boorar ay ku sawirayihiin Sawirada Musharaxa Farmaajo.

Banaanbaxyaasha ayaa la filayaa inay goordhow iskugu Tagaan Tarabuunka Muqdisho halkaasi oo ay saxaafada kula hadli doonaan, ayadoo ay banaanbaxayaashu ku dhawaaqayaan erayo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Musharax Farmaajo.

Shacabka Banaanbaxa samaynaya ayaa Xildhibaanada Cusub ee baarlamanka Soomaliya ugu baaqaya inay Codkooda iska hubiyaan isla markaana ay codkooda siiyaan Wadani daacad ah oo kartina leh.

Goordhow la soco Sawiro Iyo Warbixin dheeraad ah

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook