Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si rasi ah ugu dhawaaqay Natiijada kama dambeysta ee doorashada Madaxtinimo ee Dalka waxaana uu gudoomiyuhu xusay in kulanka ay goobjoog ka ahaayeen 271 Xildhibaan islamarkaana codadka la isticmaalay ay yihiin 269 Cod.

Waxaana natiijadu ay noqotay sidan:-

Shariif Sheekh Axmed 79 Cod

Dr Xasan Sheekh Maxamuud 190 Cod

Sidaasi darted ayuu tilmaamay Prof Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu ku guuleysay doorashada Madaxweynenimo.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook