Madaxweynihii hore ee DFKMG aheyd Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud.
Mudane Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee DKMG ayaa gacan qaaday isaga oo dhoola cadeynaya islamarkaana farxadi ay ka muuqato Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay caawa yeelatay Dr Xasan Sheekh Maxamuud markii uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Natiijada.
Mudane Shariif Sheekh Axmed oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda markii natiijada lagu dhawaaqay kadib ayaa tilmaamay in caawa ay farxad weyn u tahay isaga in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho xor ah 42sano kadib iyo in sidoo kale ay farxad weyn u tahay in mudadii seddaxda sano aheyd ee lasoo dhaafay uu dalka soo gaarsiiyo marxaladan.
“waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud Walaalkeey guusha uu caawa gaaray,waxaan halkaan ka qirayaa inaan ku qanacsanahay natiijada halkaan kasoo baxday oo aan diyaar u ahay inaan xilka ku wareejiyo,hadii aan guuleysto waxaan jeclaan lahaa in la ii hambalyeeyo oo la ila shaqeynayo aniga sidaas ayaan diyaar u ahay inaan ula shaqeeyo walaalkeey Madaxweynaha Cusub”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Dalka.
Waxa uu Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed uga mahad celiyey Shacbiga Soomaaliyeed sidii hagar la’aanta aheyd ee ay ula shaqeeyeen iyo qeybaha kala duwan ee dowladnimo oo ay ugu horeeyaan Ciidammada Qalbka Sida ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii waxa uu xusay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed inuu ka baxayo hoolka doorashada lagu qabtay isagoo qanacsan maadaama uu dalka soo gaarsiiyey marxalad doorasho oo KMGkii dalka uu kasoo saaray,
Waxa uu Taliyeyaasha Ciidammada Qalbka Sida ee Soomaaliya sida Xoogga Dalka,Booliiska iyo Nabad Sugidda oo garab taagnaa ku amray in xiligan wixii ka dambeeya ay toos uga amar qaadan doonaan Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud si uusan Ammaanka dalka faraha uga bixin.
