Muqdisho(subulahanews)Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ka dhici doonta Magaalada Muqdisho muddo labaatan sano ah, iyadoo Gudigii qaban qaabada doorashada uu ku dhawaaqay qaabka ay u dhaceyso doorashada.
24-ka Musharax ee u taagan xilka Madaxweynaha ayaa tartan adag u geli doona doorashada Madaxweynaha, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka heli doonaan cododkooda, si ay ugu doortaan Madaxweyne.
Cismaan Libaax oo ah Afhayeenka Gudiga ayaa sheegay in howshooda ay si weyn u socoto, isla markaana ay dhaqan geliyeen dhamaan wixii diyaar garow looga baahnaa, waxaana uu ka dhawaajiyay in doorashada ay u dhici doonta sidii loogu tala galay.
“Anaga diyaar garowgeena aad uu u weyn yahay, markii hore waxaa iska soo dhex dooranay saddex Gudi oo kala ah Gudiga Amniga, gudiga maaliyada iyo gudiga araaji qabashada, waxaan diyaarinay sanaadiiqdii iyo waraaqihii lagu codeyn lahaa”ayuu yiri Afhayeenka Gudiga doorashada.
Cismaan Libaax ayaa sheegay in doorashada ay tahay saddex wareeg, isagoo xusay in 24-ka musharax wareega koowaad musharaxii hela saddex meelood labo meel uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Mr Libaax ayaa sheegay in hadii ay dhici weyso in qofna aan helin ay wareega labaad u gudbi doonaan afarta musharax ee ugu cododka badan, isagoo xusay in isla wareega labaad musharaxii hela saddex meelood labo meel uu noqonayo Madaxweynaha, hadii aanu helina labada musharax ee ugu codka badan u soo gudbayaan wareega saddexaad.
Waxaa uu sheegay in wareega saddexaad labada musharax ee isku soo hara ay cod hal dheeri ku tartamayaan, isla markaana markaas cidii guuleysata uu noqonayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa si aad ah isha loogu hayaa, iyadoo guud ahaan shacabka Soomaaliya ay dhowrayaan natiijada doorashada, waxaana magaalada Muqdisho saacadihii u dambeeyay ay gashay jawi aad uga duwan sidii hore.
subulahanews/somaalinet.com

