Muqdisho(Subulahanews)-Xili xalay lagu doortay Magaalada Muqdisho Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya kaasoo loo doortay inuu dalka Hogaamiyo 4sano ee sooscota Mudane Madaxwayne Xassan Sheekh ayaa waxaa Warbaahinmta soo gaaraya Dhambaalka hambalyada ah ee loo dirayo Madaxwaynaha Cusub.

Mushraxii Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo Goordhow waraysi khaasa siiyay warbaahinta ayaa Hambalyo u diray Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo xalay xildhibaanada Baarlamanku ku doorteen Xarunta Gen Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay doorashad Madaxwaynaha Soomaliya ee loo doortay Prof Xassan Sheekh, Wuxuuna sheegay in xassan sheekh yahay nin kasoo bixi kara Xilkaasi loo doortay isagoona alle oga baryay in uu la garab qabto isla markaana guusha uu haleelsiiyo Madaxwaynaha Cusub ee la doortay.

Farmaajo ayaa Sheegay inuu ku faraxsanyahay in maanta ay Magaalada Muqdisho ku tartamaan 25 Musharax oo dhamaantood doonayay inay qabtaan Jagada Madaxwaynaha wuxuuna Tilmaamay inay doorashadu ku dhacday si cadaalad ah oo aysan jirin wax is daba marin, isagoona Tibaaxay inay Fursad kale heli doonaan Musharaxiinta maanta haray oo ay markale dalka iskugu soo taagi karaan in loogu doorto hogaankisa.

Maxamed C/laahi Farmaajo oo horay Ra’izul wasare oga soo noqday Xukuumadihii soo maray isla markaana haatan ahaa Musharax u taagan Qabahshada Jagada Madaxwaynaha Soomaliya ayaa sheegay inuu la shaqayn doono Madaxwaynaha Cusub ee baarlamanka Soomaliyed u garteen inuu dalka hago 4sano ee soo socota.

Dr. Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa sidoo kale uu Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ugu baaqay in ay kaalin lixaad leh ka geystaan dibu-dhiska Dalkooda hooyo, isla markaana ay si xushmad leh ula shaqeeyaan Dawladda Cusub ee dalku yeeshay.

Subulahanews.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook