London(Subulahanews)-Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud iyagoo ku tilmaamay doorashadiisa tallaabo horay loo qaaday.
Wakiilka QM ee Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in doorashadan ay tahay mirihii ka dhashay howlo badan oo la soo qabtay si Soomaaliya ay uga gudubto xilliga KMG ah, dowlad rasmi ahna loo helo.
“Dadka Soomaaliyeed waxay cagta saareen jidka nabadda iyo barwaaqada. xildhibaanada Soomaaliyeed waxay si degan oo sharaf iyo u fiirsi leh u dhameeyeen xilligii ku-meel-gaarka, waxayna si buuxda u doorteen Xasan Sheekh Max’uud inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya” ayuu intaa ku daray Mahiga.
“Habka doorashadu waxay ahayd mid Soomaalidu leedahay una dhan tahay. waxay martay laba wareeg oo si hufan oo cad looga daawanayay adduunka oo dhan. Habka doorashu waxay ahayd mid ku dhacday si nabadeed oo dimoqraadi ah dadka Soomaaliyeed waxay beeniyeen shakigii laga qabay, waxayna farriin adag oo horumar leh u gudbiyeen Afrika iyo dhammaan adduunka” ayuu yiri Mahiga.
“Jid dheer oo aad u dhib badan ayaan u oo marnay si aan u soo gaarno halka aan hadda joogno. Sanada ka hor ayaa waxaa hakad galay geeddi-socodka nabadda. Hay’adihii dowladda oo shaqayn waayay ayaa keentay inay dowladda KMG Soomaaliya ku dhowaato inay laba u kala qaybsanto. Tan iyo maalmahaas adkaa waxaa la gaaray horumar.” ayuu intaa ku daray Mahiga oo sii hadlayey, wuxuuna u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Somalia.
Dhinaca kale, Urur goboleedka IGAD ayaa si diiran u soo dhoweeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo uu xalay ku guuleystay Prof. Xasan Shiikh Max’uud, iyadoo war-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska xoghayaha guud ee IGAD lagu sheegay in maalintii shalay ay u ahayd ummadda Somaaliyeed maalin weyn oo taariikhi ah.
Subulahanews.
