Maddexweyne marka u horeysa waxaad naga gudoontaa salaan walaaltinom, salaanislaanimo, salaan wadanimo haddii aanu nahay qawmiyadda Awdalstate  qurbejoog iyo dal joog, iyo  maamul goboleedka  Awdalstate somaliya.

Madexweyne haddii aad doonayso warbixin xaal ah, daacad, wadanimo ku dheehaya tahay waa in aad fulisaa ballan qaadyaddii aad qaaday ummadda waqtigii ololaha doorashada fadhigii goloha baarlaamka hortisa…

Madexweyne waa in aad ka faaiideystaa dhacdooyinkii soo maray madexdii kaa horeysay  ballan qaadyadii ay ummadda horteedda ugu dhaarteen ee buriyeen, hadalkii Eebbe weyne oy afka uun ka dhaheen uurkana waxkale ku qarsanayeen..

Madexweyne Haddii aan ka soo bilawno.. Dawladdii Carta.. Dhaartii maddexweynahii la dhaarshay iyo hadalkii Eebbeweyne ee uu ka akhriyey madashii shirka ee ahaa( Aamaanadda , dhulkaa diidey, Cirkaa diidey, waxaa qaaday bani-aadamka… Innahuu kaana daluuman jahuulan)waa xigmad Eebbe wene… Madexweynahaasi markuu Aayadda quraanka akhriyey qiiro diimeed, daacadeed, wadinyeed baa ka muuqatay,Ummaddiina wey u istaagtay  wayna garab gashay muxuuse ugu jawaabay?…… HASBIYAAHUU WA NICMAL WAKIIL!!!!

Waxba ku dheeraan maayo ummaddu way ka dheregsan tahay dhibtii uu  abuuray ee ilaa maanta loo maaro la’ yahay, dhaca, boobka, dhiiga la qubayo, dilka qofka eebbe abuuray, eexda iyo qabiilka isagoo baal maray axdii lagu heshiiyey maanlintii horeysayba ka baxay  Magaalo madexdda ku meelgaadhka ahayd in laga dhigo Baydhabo, intuu dayuurad qaatay ka degay Mugdishu, kula kulmay munaafaqiintii ay xiriirka la haayeen isku tusay ummaddii in meeshu tahay meel lagu aamini karo dawlad dadkuna diyaar u yahay markaan ka dheeganay warbaahinta., laakiin Maxaa ka dambeeyey..

 waxaa ka dambeeyey sida:  hogaankii dalka,saraakiishii, aqoonyahankii, maamulayashii, waxgaradkii,odeydhaqameedkii, shaqaalahii wadaninmaddu ka muuqatay,intii lagu tuhmayey in ay soomalinimo ku jirto, kii lahaa dhiig wadaninimo waxaa muddaddii la cidhibtirey dhamaan intaa aan kor ku xusey, dalku galay halaagga iyo hoogii uu soo maray, waa mudaddi la xalaashaday hantidii ummadda ku dhamaatay badda iyo berigga, waa maalintii waxgaradkii, aqoonyahankan intii hadhay ay ka hadaafeen dalka,

Madexweyne horaa loo yiri nin reer u weyn iyo naag naago ka umulisey midna siday u ogyahiin wax uma sheegaan, taas waxaa la mid  madexweynhan aad  ka dhaxashay qasriga madextooyadu kuu sheegimaayo wax jira iyo waxa qarsoon  wuxuu se u eeg yahay nin dhiig somaliyeed le, laakiin waxaa xumeynayey kuwa iskaga dhigey sadiiqa ee uu rabaystay ee hantidii dadka  tabaaleysan loogu yaboohay jeebabka ka buuxsaday, ee doonayey in ay baarlaamnka ku qafaashaan, u suurtoobi weyday waxay damacsanaayeen, maalkii booliga ay ku heleenna waa gabaabsi, inta hadhayna waa inla dabo gallo loona soo celiyo ummaddii lahayd…

Madexweyne waxaad ogtahay Dawaladdii Imapakate.. dhacdooyinkii soo maray, faragalintii dawladaha jaarka, midkastaba danteedda wadatay, afhayeenadii oo dawladah jaarku midba badhkiisii keenasaday u adeego danaha dalkoodda , oon u arximin dalka ay matalaan, baarlaamkii oo hogaankoodu noqday mid aan u adeegin danaha ummadda uu sheegayao, mid aan garanayn xilka saran wuxuu yahay, mid aan garanayn shaqdda loo doortay waxay tahay…

Madexweyne waad ogeyd isku dahcii ugu horeeyey ee ka soo ifbaxa madaexdii u sareysay dalka markii ay ka qayb galyeen shirkii Adis-Ababa.. in uu Borotakoolku khaldanaa,Afhayeenkii baarlamaanka oo aad moodo madexweyne uu isa soo taagay shirkii , yaab iyo amakaag iyo fajiciso ay ku noqotay ummaddi oo dhan, Aakhirkiina ku damabaysay Burbur… taas waxay noqotay Dameer rar ka weyn la saaray waxii ka iman lahaa……..

Madexweyne waad ogeyd  Dawladdii Djibuuti dhismahii qobtolka ahaa ee dhanna aan raacsanayn, xeer islaan iyo xeer adduun meel aan ka soo galin gallin….

Kuwaas oo isku jirey kuwo shaadh diimeed gashan, ku danno dhaqaale huwan, kuwo danno shesheeye u adeegaya,dhismaheediina  noqday mid xal oon xul ahayn , waana ta maanta  aad soo gaadhay eed kala wareegtay iyadoo jirto labo gudoomiye baarlamaanr, haydadii sharci dejinta oo noqotay saylad wax lagu kala iibsaddo, hantidii ummadda loogu yaboobay oo debedda lagu kal qaybsaddo, xil gudasho la aan ka timid waxmagarti xil la saaray, dhan ay ula kacaanna garan la’…

Waxan ku soo gunaanadayaa  hadalkayga maanta…

Madexweyne waxaad ka nasiib badan tahay kuwii kaa horeeyey ,waxaad dheertay dalkii wax ka socdaandhismahiisa qaabkii dawladinimo oo soo ifaya iyo dadkii oo u bisil dawladnimo, aqoonyahankii , waxgaradkii, ah-ludiinkii, odeydhaqameedkii dhamaan ku barbar taagan.

Madexweyne waxaad dheertay kuwii kaa horeeyey hayadii sharci dejinta oo u muuqata mid ay ku yartahay maanta  faragelin shesheeye, hogaankana u hayaan aqoonyahano cilmi u le hawsha loo xilsaaray,horena waayoaragnimo u lahaa maamuladii dalka soo maray, arkayey waxa dalkii dumiyey oon la mid ahayn  kuwii xilka ay kala wareegeen ee aqoontoodu ahayd Dugsiga hoose/dhexe ee rabay in ay dalka iyo dadka hogaamiyaan, u muuqda kuwo aan  isbarbaryaacin hawshoodana gudan kara allena garan siiyo…….

Madexweyne waxaad u eeg tahay mid nasiib wacan marka loo eego hogaamiyayaalkii kaa horeyey ee soo maray dalka iyo  dhacdooyinkii kala dambeeyey ee dalku soomaray kuna waayoaratinimo qaaddo.. .

  1. Madexweyne waa lagaaga sugayaa in aad dalka ka saarto muulaqan , isqabqabsigan xukuumadahii kaa horeyey  hadheeye.
  2. Madexweyne waxaa lagaaga fadhiyaa in aad fuliso ballanqaadkii aad ummadda horteedda ku ballan qaaday in aad dhisi doonto Dawlad tayo le, adiga oo adeegsanaya hogaanka sharci dejinta xilka qofkaad u dhiibaysaa noqdo mid cilmigeedda le,
  3. Madexweyne waxaa lagaaga fadhiyaa in aad badbaadiso inta yare e hadhay ummaddii soomaaliyeed ee ka soo hadhay intii baddi liqday, intii xanuunku laayay,intii bahallo liqeen, intii wabiyo iyo adduunsi lagu hayo, inta ku silcaysa xeryahay qaxootiga ee dhadhaab iyo Jaxiimadda Yemen.
  4. Madexweyne waxaa lagaaga fadhiyaa in aad magacawdo hogaamiye xukuumadeed, ka ugu cilmiga badan, ugu waayoaragtinimo badan, ugu taasulka badan, Adduunka wax ka dhaadhicin kara, adiga oo ku salaynaya axdiga lagu heshiiyey kana saarayo eex , qaraabo kiil ,  beel heblaayo raali geli….
  5. Madexweyne waxaa lagaaga fadhiyaa in aad ka dhabayso dhaartii aad kitaabka quraanka gacanta saartay….
  6. Madexweyne waxaa lagaaga fadhiyaa in aad  afarta hayadood ee dalka hagga mid walba shaqadiisa u madexbaanayso si ay u gutaan waajibaadka saran dalkunauga baxo madawgan uu ku jirokuwaa oo kale . golaha xukuumadda, golaha sharci deginta, golaha xaqsoor iyo hayadda hanti-dhawrka .
  7. Madexweyne Ummadda soomaliyeed ee ku  jirta xeryaha qaxootiga hantiddii deeq bixiyeyaalku ugu deeqeen kuwii leexsaday in laga dabbo tego ayaa lagaaga fadhiyaa meeshay dhigteenna waa la ogyahay,cadaaladdana la horkeeno, haddii aad wax ka qaban weydo illaaahay hortii baa  lagu weydiin…
  8. Madexweyne labo mid baa  maanta  lagaaga fadhiyaa  qarankii somaaliyeed ee lixdankii midoobay sidaad u soo celin lahayd, karaamadii, haybaddii sharaftii ummaddu lahayd iyo  Qarankii somaliyeed ee 1991kii burburay ee ay burburisey qabayaalladdu, boobku, dhacca, isdhexyaaca maamul, naasnuujin ashkhaas reer, kooto ugu xerid khayraadka dadka beello gaar ah iyo mid aad gacan saar yeelataan labaa midkaa raaci lahayd  baa maanta ku hortaal., adigoo ku cilmi qaadanaya waxa dalkii iyo dadkii  dumiyey waxna aanay kaa qarsooneyn, waad ogtahay dawladahii kaa horeeyey waxay la hana qaadi waayeen in ay ahayd saamiqaybsi la’aan, maamulxumo, aqoon daro, hebel meel aanu u qalmin aqoonteedna lahayn gee, ku kale lacag jeebka u buuxi, odeyy dhaqameed af u buuxi, wadaad xume meesha soo dhig si uu ummadda janno beenaad ugu sheekeeyo, dagaalna galiyo da’yarta ,  ….waad ogtahay waxaa ku horyaal  dad dumey in ay tahay, sidii aad u dhisi lahaydna adagtahay, dalkiina dunsan yahay, laakiin wey sahlan tahay sidii dalka loo dhisi lahaa weyse adagtahay sidii dad dumey loo dhisi lahaa  intay inagu qaadan, taana waxaad kaga gudbi kartaa daacadnimo, hawlkarnimo, tanaasul, eexashola’aan, dhegeysi ummadda aad metesho,la tashi goloyaasha qaranka, hirgelintana rabintaanka shacabka aad metesho, aqoontaaddaa, kartidaa iyo dulqaadkaaga..Eebbe wenna  waxaan kaaga rajeyn in uu kuu fududeeyo hawshaa cusub ee xilkeedda aad qaaday…
  9. Madexweyne waxaa ku horta sidaa u badbaadin lahayd hantidda ummadda somaliyeed ee dhul, cir iyo bad ku duugan ee la boobayo……
  10. Madexweyne waxba yaan hadal ku dheeraan, taariikhdu iyadda is qorta, xumo iyo samo midkay doonto ha noqotee, waxaad adduunka kaga tegto ee waxtar le ama burburinle sidii kuwii kaa horeeyey uun baa dhaxal gal noqon,waxaadse  ku dadaashaa cadaalad waa tiirka adduunka iyo aakhire, lacag ummadda haddaad gaadhsii tiraahdo gaadhsiin meysid, kuraasi madexnimona hadaad tiraahdo gaadhsii gaadhsiin meysid,  waxaadse  gaadhsiin kartaa cadaalad….

 

DADWEYNAW MA IS TIDHAAAHDEEN MALAHA DHAARTAN BADAN EE MADAXDU BEENTA KU DHAARAN  IYO KITAABKA QURAANKA  GACANTA LA SAARAYO BAA WAX LAGA SAARAA DALKII  EE MA KU DAYNAA DHAAR LA’AAN……..

 

                              Aden Barkahdle Ibrahim (aden-cadde)

           Gudoomiayaha Gudiiga Badbaado ee Awdalstate of Somaliya.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook