Hargeysa(subulahanews)Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa gashaanka ku dhuftay Qoraal codsi ah oo ay Xisbiga udub kaga dalbadeen in laba todobaad loogu daro wakhtiga la soo xaraynayo Liiska Musharixiinta Ururadda iyo Asxaabta siyaasada oo ku eeg 14 bishan aynu ku jirno.

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi Geele oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Xisbiga udub ka diideen Dalabkaasi, kuna wargeliyeen inay musharixiintooda ku soo dhamaystiraan wakhtiga Ururadda kale loo qabtay.

Waxaanu yidhi “Way jirtaa Warqad nooga timi Xisbiga UDUB oo anigu aan aamisanahay inuu yahay Hooyadii asxaabta Somaliland, laakiin dhibaato ku dhacday, waxaanay naga codsadeen inaanu laba todobaad ugu kordhino mudada lagu soo xaranayo liiska Musharixiinta Ururadda ee Golayaasha deegaanka, waxaanay noo soo qoreen warqad, aniguna waanu u Jawaabnay oo waxaanu ku wargelinay inaanaan wakhti siin Karin, maadaama oo Wakhtigii Doorashada iyo Diyaar-garowgeedu isku xidhanyihiin, annagoo ka xun dhibaatada ku dhacday Xisbigaasi hadana waxaanu u sheegnay inay mudada loo qabtay Ururadda kale ku soo xareeyaan Liiskooda”

Xisbiga UDUB ayaa horaantii todobaadkan ku dhawaaqay inay qaadaceen Doorashooyinka Golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay 28 Bisha November ee sanadkan, wallow ay komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland sheegeen inaanay qaadacaadaasi soo gaadhsiin iyaga  “Annaga waxay na soo gaadhsiiyeen Warqada ay ku codaden in laba todobaad fursad loo siiyo inay Musharixiinta ku soo gudbiyaan, laakiin inay doorashada qaadaceen wali noomay sheegin, doroshaduna sidii aanu u qorshaynay ayay u dhacaysaa waxna iskamay bedelin oo wax waliba wakhtigoodii ayay dhacayaan”.

Siyaasiyiin Xisbiga UDUB ugu tunka waaweyn ayaa maanta ku gaaf-wareegayay xarunta komishanka Doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ilaa Duhurnimadii maanta ku sugnaayeen Musharax cali Waran-cadde iyo Siciid Sulub oo ka mid ah Garabka Xisbigaasi ee Daahir Rayaale.

Sidaasoo ay tahay Ma jiro war ka soo baxay  dhinacyada xisbiga udub oo la xidhiidha dhawaaqa ka soo yeedhay Komishanka Doorashooyinka, laakiinse isweydiinta arintaasi ka taagan ayaa ah Xisbiga UDUB ma ku adkaysan doonaa go’aankii ay ku qaadaceen ka qayb galka Doorashada Deegaanka.

Source:Waaheen

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook