Muqdisho(Subulahanews)Wararka iminka soo dhacay ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah lala eegtay Hotel uu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka daganaa caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Hotelka qaraxa lala eegtay oo uu daganaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeeda Airportka Muqdisho gaar ahaan idaacada Shabelle waxaana halkaasi isku miidaamiyay qof naftii hure ah oo doonayay in uu qaarajiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Inta la ogyahay waxaa ku geeriyootay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo  dad shacab ah oo badan oo ka agdhawa halka uu isku miidaamiyay qofka naftii hure ah waxaana sidoo kale meel aan sidaa ugu fogeyn Hotelka uu Madaxweynaha daganaa isku miidaamiyay gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Macaddaa ilaa iyo hada Khasaaraha dhabta ah ee  halkaasi ka dhashay waxaana Hotelka iminka isku wareejiyay ciidamada Midowga afrika ee Amisom.

source:geestiir.com

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook