Inta la og yahay 3 qof ayaa ku dhaawacmay dab xoogan oo aan la garanayn ilaa hada waxa sababay oo dhulka dhigay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Geerisa ah, dabkan ayaa waxa kal e oo uu qasaare u gaysatay goobo badan oo ganacsi oo magaaladaas ku yaalay, guryo ay dadka rayidka ahi daganaayeen iyo qaybo kale oo magaalada ah.
Gudoomiyaha Deg. Lughaya Maxamed Yuusuf Geele oo khadka taleefanka ay subulahanews.com kula xidhiidhay ayaa xaqiijiyay in qasaaarahaasi uu jiro isla markaana ay u direen qaybo gurmad ah, ilaa hadana aanan la garanayn waxa sababay dabkan.
Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Gobolada Awdal/Salal Mud. Yuusuf Iimaan Diiriye oo ku sugan magaalad Geerisa ee xarunta ciidankaasi ayaa waxa uu isaguna intaasi ku daray inuu dabku sababay qaraxa rasaas iyo waxyaabaha kale ee qarxa oo ka qarxaya guryaha dhexdooda, taliye Yuusuf waxa uu carabka ku dhuftay in dabkani aanu soo gaarin xarumaha ciidanka balse aanay ilaa hada ogayn sababta keentan dabkan.
subulahanews/somaalinet.com

