Professor Axmad Ismaaciil Samatar, waxa lagu sifayn karaa inuu yahay aqoonyahanka ugu weyn Ummadda  soomaaliyeed, kaasi oo ka qab weyn qabiil iyo qooys kuna dhaata qaranimada guud iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Muddo aad u dheer ayuu halgan ugu jiray israaca iyo isbahaysiga ummadda soomaaliyeed ilaa uu ka gaadhay inuu u badheedo hogaaminta heer madaxweyne ee dadkiisa iyo dalkiisa.
Dr Axmad Ismaaciil Samatar wuxu bishan tobankeedii isu soo sharraxay jagada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliyeed, isagoo ka mid ahaa dhawr iyo labaatan kale oo musharrax, oo jagadaas u tartamayay. Nasiib darro, Axmad ma helin codkii uu ka filayay ummadda soomaaliyeed ee ku dhaadata soomaalinimada. Wuxu la kulmay ummaddii soomaaliyeed oo wali qabiilaysiga, qaraabo kiilka iyo musuq-maasuqu yihiin meheradahoodii soo jireenka ahaa, ee waligoodba ay ku caano maali jireen. Taasi oo an is leenahay  waxay Axmad u noqotay ama u noqon kartaa  culuun dheeraad ah oo wali uga sii kordhaysa camalada dadkiisa soomaaliyeed, oo buug iyo qoraalo  kale uu ka samayn doono.
Tiro aad u yar ayaa u codaysay Dr Samatar, oo qabiil daraadii ugu codaysay, tiro aad u badana uma codayn oo qabiil daraadii ayay ugu codayn waayeen. Sidaa daraadeed, waxaynu odhan karnaa qabiil ayaa dumiyay aqoonyahankii ugu weynaa uguna caansanaa ummadda af-soomaliga ku hadasha. Waxaynu ku xusaynaa Dr Samatar gabaygii C/laahi Suldaan Timacadde(AUN), dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane, xaqiiqatan qabyaaladu waa midaas maax-dumisay halyeey loo hanweynaa, ‘dugsi maleh qabyaaladi inay aqoonyahan dumiso mooyaane’.
Waxanse rajaynaynaa inaanu Dr Samatar sidaas kaga hadhi doonin hanuuninta iyo hogaaminta dalkiisa iyo dadkiisa, oo maalin maalmaha ka mid ah loo aayi doono midhihiisa.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook