Boorama(Somaalinet) Wariye Haashim Sh.cumar Goth iyo wariye mursal cilmi cumar oo ka mid ah wariyeyasha ka hawla gala Gobolada Awdal iyo Salal isla markaasina ka mid ah wariyayaasha ka shaqeeya telefanada SOMALISAT iyo telefishan laga daawada gudaha Somaliland gaar ahaan
caasimada loo la yidhaahdo BULSHTV ayaa saaka saldhiga dhexe ee Boorama loo taxaabay .
Mar aan telefanka kula xidhiidhnay wariya Haashim ayaa noo xaqiijiyey in uu hada ku sugan yahay saldhiga dhexe isla markaasina lagu haysto war xalay ka baxay telefishka somalisat kaasi oo ku saabsanaa hambalyo ay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Boorama u diraysay madaxweynaha cusub ee somaliya mudane xasan sheikh muxumed.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in lagu raad jooga wariya cabdicasiis cabdilaahi oo isna ka hawl gala shabakada wararka ee Boramanews Xadhiga labadani wariye ayaa ku soo beegmaya xili uu madaxweynaha Somaliland iyo wasiirkiisa arimada dibada ay hambalyo u direen madaxweyanaha cusub ee somaliya .

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook