Nairobi(Somaalinet news)-Xaafada Islii ee Magaalada Nayroobi waxaa maanta lagu qabtay labo soomaali ah oo sida Kenyaantigu sheegayaan lagu helay waxyaabaha qarxa iyo qorey AK47 ah.

 

Saraakiisha Boliiska ayaa warbaahinta u sheegay in guriga labada Nin ee soomaaliga ah laga helay in ka badan 10 Bambooyinka gacmaha laga tuuro ah iyo waliba qori gacmeed nuuca AK47 ah islamarkaana iminka lagu hayo xabsi ku yaal Nayroobi.

 

Wararka ka soo baxay Boliiska Nayroobi ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kooxaha Soomaalida ah ee ay qabteen ay doonayeen inay weeraraan axada soo socoa kaniisadaha kenya qaarkood ama xitaa xaafada islii oo ay soomaalidu ku badan tahay.

 

Warka waxaa uu intaasi ku darayaa in hada sharciga la hor geyn doono labada Soomaalida ah ee la qabtay ka horna baaritaano dhameystiran lagu sameyn doono sida inay sheegeen halka ay hubkaani u adeegsan rabeen iyo waxa gacantooda soo geliyay iyo waliba meesha ay ka tirsan yihiin.

 

Howlgalka maanta lagu qabtay labada Soomaalida ah waxaa uu ku soo aadaya xili safaaradaha kenya iyo kaniisadaha amnigooda aad loo xoojiyay iyadoo laga cabsi qabo in islaamiyiin careysani ay weeraraan kuwaasoo ka dhiidhinaya filimkii xanaaqa badan geliyay islaamka ee lagu xumeynayay diinta Islaamka.

 

Somaalinet News.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook