Borama(subulahanews)Tan iyo intii la bilaabay adeegyada faraha badan ee shirkada Isgaarsiitna casriga ah ee Telesom waxa isa soo tarayay abaal barinaha kala duwan ee ay ku bixiso adeegyadaas .
Kan ugu horeeya ee ay ku bixiso abaal marinta bilaha ahina waa kan hada loogu isticmaalka badan yahay ee Aqoon-maal oo dadka isticmaalaayi ay aad u tira badanayaan marba marka kasii danbaysa.
Abaal marintan bilaha ah oo macaamiisha isticmaala Adeegani aqoon maal uun loogu tala galay aya waxa bishan kaga guulaysta Telesom Borama Cabdi Aadan Muuse oo ah nin ganacsade ah oo magaalada degan , waana markii ugu horaysay ee uu ku guulaysto qof ganacsade ahi abaal marintani wallow markii hore ay ku guulaysan jireen ardayda iyo dadka wax barashada lugta dheer ku leh .
Bishii hore waxa kaga guulaystay abaal marintan Telesom Borama nin ahaa Gudoomiyaha wasaarada wax barashada Gobolka Saaxil oo Waxbarasho ujoogay markaas Magaalada Borama.
Guulaystayaasha Adeegani aqoon-maal ayaa waxa lagu baal mariyaa abaal marino kala duwan oo ay kamid yihiin Mobile nooca loo aqaano Smart phone –ka Nokia , Cajalado Qur’aanka kariimka ah iyo waliba qalimo akhriya Kitaabka Qur’aanka Kareemka iyoda oo loo eego sida ay ukala horeeyaan, waxana laga reebaa tar tamayaasha Adeegan dhamaan shaqaalaha Shirkada Telesom.
Dadka ayaa soo dhaweeyay adeegani una arka mid wax ka taray wax yaalo fara badnaa oo ay dadku u mari jireen meel ka culus hada sida uu aqoon m aalku u siiyo waxa ay doonayaan.
Shirkada isgaarsiinta Telesom oo Adeegyadeedu ay aad u tiro badan yiiin ayaa hadana waxa ay kusoo biirisay adeeg yadeeda oo ay macaamiisheeda ugu tala gashay gaar ahaan Hooyada uurkani oo ka heli karta wax Alle iyo wixii ay uga baahnayd inta ay Uurka leedahay Dhakhtar ama caafimaad ba u baahnayd, adeegan ayaa waxa magiciisa la yiraah Shaafi waana mid bilaa lacag ah oo laga garaaco 199.”
Source:Booramaonline.com

