Borama(Subulahanews)Maayarka Degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi (Cawed) ayaa arkii u horeysey ka waramey khasaaraha kasoo gaadhey Tuulada Geerisa oo katirsan Gobolka Salel dab qabsadey dhawaan halkaasi oo khasaare culus oo Maaliyadeed kasoo gaadhey Tuuladaasi isagoo xusey xadiga uu leeyahey khasaarahaasi iyo sida uu u saameeyay Shacbiga Tuulada Geerisa oo dabkaasi aan meelina ka badbaadin.
Maayarka Degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi(Cawed), ayaa warbaahinta uga waramay isagoo ku Sugan Tuulada Geerisa kadib markii ay halkaasi soo gaadheen isaga iyo Maamulka Gobolka Salel ayaa xusey in khasaaraha soo gaadhay Tuulada Geerisa ee dabkii qabsadey uu ahaa mid Saameyn culus oo dhinaca dhaqaalaha ah ku yeeshay kadib markii ay shuf beeleen dhamaanba meheradihii tuuladaasi kuyaaley oo dabku wada gaadhey islamarkaana ay ku gubteen dabkaasi meheridihii iyo wixii hoos yaaley, tira badan oo Xoola ah oo ku xidhnaa Geedaha Tuulada ku dhex yaalay oo Ganacsi ahaa, iyo afar Baabuur Waxaanu tilmaan ka bixiyay in dabkaasi ka kacey markii hore mid kamid ah Meheradaha kuyaala Gudaha Tuulada kadibna wada gaadhey intii kale isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi Mr Cawed.
“Horta dabka dhawaan qabsadey Tuulada Geerisa waxa uu ahaa mid aad u culus oo ay ka badbaadeen oo kaliya dadkii haseyeeshee, waxa uu saameyn ku yeeshay guud ahaanba meheridihii kala duwanaa ee dadka Shacbigu kulahaa Tuulada Geerisa isagoo markii hore dabku ka kacey mid kamid ah meheradahaasi, kadibna wada gaadhey intii kale oo ay dadkiina ka yaaceen waxaana ku gubtey wixii Maaliyad hoos yaaley meheradahaa hadey tahey Raashin hadey tahey bagaash, hadey lacag tahey iyo hadey hu iyo agab kale taheyba, afar Baabuur iyo Xoolo Ganacsi ah ayaa iyaguna ku gubtey Waxaana Gurmad kormeer ah iyo ogaanshaha dhibaatadii dabkaasi ka dhalatey ah Habeen hore kusoo gaadhey Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), Waxaanu ugu maqan yahey koley in uu baaq culus ka jeediyo oo Gurmad ah oo dhinacyo badan oo ay Xukuumadu ugu horeyso, maanta ayaanu soo gaadhney anagu waxaananu aheyn Masuuliyiin uu hogaaminayo Badhasaabka Gobolka Salel anagoo, wadney Hay,ada ka socota dalka Jabuuti oo deeq raashin ah soo gaadhsiisey, waxa kale oo la filayaa raashin xagaa Madaxtooyada Somaliland laga soo direy laakiin aan wali soo gaadhin sidoo kalena Tuulooyinka Gobolka Salel kuwa la dariska ah ee ay kamid tahey Tuulada Fardo lagu xidh iyo Tuulooyinka kale ayaa iyaguna bilaabay qaadhaan ay ku caawinayaan Shacbiga Reer Geerisa ee khasaaruhu kasoo gaadhey dabkaasi”Ayuu yidhi Maayarka Degmada Saylac Maxamed Cumar Xadi(Cawed).
Waxa kale oo Maayarka Degmada Saylac sheegay isagoo ka jawaabaya Su,aal la weydiiyay oo ku sahabsaneyd ka Maamul Degmo Saylac ahaan in ay ka qeyb qaateen Gurmadkaasi qaadhaan ee lagu gargaarayo dadkaasi dhibaatadu kasoo Gaadhey dabka qabsadey ee Tuulada Geerisa in ay qorsheeyeen iyagu dhinacooda islamarkaana ay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo gudbinayaan Degmada Saylac iyo Tuulooyinka hoos yimaadaba waxey ugu tala galeen shacbiga Reer Geerisa Maamul iyo Shacbiba islamarkaana, waxa uu baaq kale u jeediyay in Xukuumadu dadkaasi baaq qeylo dhaan ah u dirto oo ku wajahan Hay,adaha Samafalka Caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah iyo Shacbigaba.
Maayarka Saylac mar uu ka hadlayay ilaa iyo hada dhinacyada soo gaadhsiiyay Tuuladaasi Gurmadka khasaarihii ka dhashey dabkii qabsadey waxa uu yidhi.
“Waxa kale oo ka qeyb qaatey Gurmadkan oo Taanbuugyo soo gaadhsiiyay Hay,ada Bisha cas, iyo Gudida Gurmadka Abaaraha ee Gobolada Salel iyo Awdal oo iyaguna dhinacooda uga soo Gurmadey”Ayuu yidhi.
Ugu dambeyntiina waxa uu Sheegay in ay baaqooda la sugayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo indhihiisa kusoo arkey khasaarihii halkaa ka dhashey kaas oo ay ka filayaan in hadalkiisu Gurmad waxa ku ool ah unoqon doono Shacbiga Reer Geerisa.
Waa markii u horeysay ee Tuulo kutaala Xeebta Galbeed uu dab u qabsado noocan oo kale iyadoo kahasaaraha dabkani ahaa mid aad u culus oo wada gaadhey Tuulada inkastoo Xeebaha aad looga cabsoodo xiliyada ay socoto dabeysha xagaagu dabka oo aan si dhib yar loo bakhtiin Karin.“
Source:Booramaonline.com

