Kismaayo(Somaalinet.com) Dab khasaare geystay ayaa maanta ka kacay suuqa shidaalka ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona dabkaasi uu sababay baaba’a xoogan oo  hanti aad u fara badan.

Dabkaan ayaa ka dhashay kadib markii uu dab qabsaday foostooyin shidaal ka buuxay oo yaalay mid kamid ah Bakhaaradah shidaalka ee magaalada Kismaayo,  Waxaana warar kale oo dheeraad aay sheegayaan in dabka uu kadambeeyay gantaal halkaais ku so dhacaay.,Lama oga xogtarasmigaa ee kadmbesay in dabkaasi oo akaco baqaarad shidaalka ee magaalaad ksimaayao.

Ilaa hadda inta la xaqiijyay 3 Bakhaar oo kamid ahaa kuwo shidaalka ee suuqa Imbilitooriya ee magaalada Kismaayo.

Intaasi kadib dadka suuqa ku sugnaa ayaa markii dambe ku guuleystay inay damiyaan dabka oo aad looga cabsi qabay inuu sii fido.

Subulahanews/somaalinet.com

Kismaayo.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook