Muqdisho(Somaalinet.)Xafladdii Magaalada Muqdisho lagu caleemo Saaray Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud waxaa ka maqnaaday Qaar kamid ah Wadamadii iyo Maamuladii ugu Muhiimsanaa ee la is lahaa way iman doonaan Caleema Saarka Madaxwaynaha.

Dowlada Kenya oo Saaxiib Dhow la ah Dowlada Soomaliya sanadihii ugu danbeeyay isla markaana Ciidamo ka joogaan Qaybo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ayaan Maanta iman Xafladii caleema saarka Madaxwaynaha Cusub Xaflada kasoo qayb galeen Madax ka kala socotay Caalamka iyo wadamada Dariska la ah Somaliya sida Ethiopia Jabuti Sudan Uganda Urur goboleedka Igad Wadamada Carabta.

Dowlada Kenya ayaan usoo dirin Caleema Saarka Xassan Sheekh Maxamuud Wax wakiil iyo masuul matalaya, waxaana ay dad badan shaki xoogan ku dhalisay imaanshiiyo la’aanta Dowlada Kenya ee caleema Saarka Xassan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ka socda Dowlada Kenya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho Maalmo yar kadib marki Muqdisho lagu doortay Madaxwayne Xassan Sheekh waxaana uu kulan la qaatay Madaxwaynaha Cusub Xassan Sheekh, Dowlada Kenya ayaa warar hoose oo malintaas aan ka helnay Shirka waxay sheegayeen inay ka dalbatay in loo magacaabo Ra’izul Wasaare C/welli Gaas oo markaas u aragtay inuu yahay Mid fulin kara danta ay ka leedahay Soomaliya.

Dowlada Kenya ayaa ku hungowday Madaxwaynaha Cusub danihii ay ka lahayd waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Xalay loo diyaarshay ka qayb galka caleema saarka Madaxwaynaha Cusub ee Soomaliya Wasiirka arimaha Dibada Kenya Musas Watangulla laakiin dib udhaca ku yimid Wasiirka imaanshihiisa lama shaacin waxa sababay.

Dowlada Itoobiya oo dhawaan tacsi gashay ayaa u timid Caleema saarka xasan Sheekh, waxaana ay usoo dirtay Raizul Wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desilgn, waxaana ay taasi marqaati cad ka noqnaysaa in far ku gudantahay Dowlada Kenya.

Dhanka kale Maamul, Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland oo Maalmahan warar soo baxayay sheegayeen inay ka qayb galayaan Caleema saarka Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa isna uunan iman goobta.

Warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in Madaxwayne Faroole baaqashada Safarkiisa iyo Baaqashada Dowlada Kenya ay isku waji yihiin, waxaana la sheegay inay labaduba Madaxwaynaha Cusub ka waayeen Ujeedooyinkoodii oo kala ahaa, Midna in loo fuliy danaha gaarka ah ee uu ka leyahay Somaliya midna Hab qabiil uu ku helo Raizul Wasaaraha Cusub.

Qaar ka mid ah Hawl wadeenada Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaay sheegeen in Madaxweyne Faroole iyo Madaxweyne Xasan ay kala tageen ka dib marki Madaxweyne Xasan uu Faroole u shegay in R-wasaaraha Somalia uu ka soo xuli doono Gobolada Konfurta iyo Bartamaha Somalia qaas ahaan Beesha Marexaan oo ah Beesha kaliyah ee Darood ah ee wada dagta Gobolada Bartamaha iyo Konfurta Somalia.

Sikastaba Dadka Daraasaadka ku sameeya siyaasada Somalida ee is bad badalka Badan ayaa sheegay inay Dowlada Kenya iyo Maamulka Puntland si toosa ugu fashil meen danihii ay ka lahaayeen Xassan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kalena, Beesha Mareexaan oo shirk u lahayd maalmahanba Gobolka Gedo waxay ka soo saareen baaq ay kaga dalbanayaan Madaxweynaha cusub inuu Kalkan siiyo beeshooda jagada Raysal wasaaraha. Waxaanay u dhignayd go’aamadda shirkooda ka soo baxay sidan:-

Beesha waxay Madaxweynaha ugu baaqaysa in uu R/wasaaraha Cusub ee Somalia uu ka yimaado dhankooda waxana taasi ku sababeynaynaa 3 arimood.

Waa mida kowaade beesha waxaay si xoogan uga qayb qaadatay Howlgaladi lagula dagalamayay kooxda Al-Shabaab isla markaana loga si feeyay inta badan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo, Gobolada dhexe ee Somalia iyo waliba Gobolka Banadir iyo Shabellada hoose ayado beesha ay Dagaaladaasi ku wayday 354 Askari oo ka kala tirsana Ciidamada Xooga Dalka Ciidamada Boliska iyo Ciidamada Maamulka Ahlusunna Waljamaca.
Beesha waxaay ku nooshahay Konfurta iyo Badhtamaha Somalia oo ay ka jirto dhibaatada ugu badan Somalia Shaqsiga R/wasaaraha laga dhigayo wa in uu ka soo jeeda deegaanada maanta xalka u bahan si usan marnaba uga seexan wajibaadka kasaraan guud ahaan Somalia gaar ahaan dhulka ay ku nool yihiin waalidintiisa ee ay ka jirto dhibatada.

Beesha waxaay ka mid tahay beelaha Daarood ee saami ahaan hela R/wasaaraha haddii ay waayaan Madaxweynaha, Beesha 22 kii sano ee ugu danbeeyay xilal muuqda kamay qaban wadanka Somalia marka laga reebo 6 bilood oo ay ahayd R/wasaare lugaha lagu dhagan yahay heshay balse dadaalay isagoo lagu dhaganyahay sababayna in uu soo celiyo rajada Ummada Somaliyeed sababna u ahaa in maanta Somalia heerka ay taagan tahay gaadho kana baxdo kmg
Sida daraadeed Beesha Mareexaan waxay Madaxweynaha Cusub ee Somalia Mudane Xasan Sh. Maxamuud ugu baaqaysa in R.wasaaraha Cusub ee Somalia uu ka soo xusho Gobolada ay ka jirto dhibaatada Amaan la’aanta oo ay u badantahay Beesha Mareexaan si xal loogu helo goboladaasi iyo guud ahaan gayiga Somalia.
Anagoo og in Madaxweynaha ay beelaha qaar ku handadayaan in ay Somalia inteeda kale ka goosanayaan hadaan loo magacaabin R/wasaraha Cusub ee Somalia ayaa waxaan Madaxweynaha u sheegaynaa in aanay jirin cid muran galin karta muqadasnimada Midnimada Somalia oo ay ku naf wayeen kumanaan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Somalia.
Ugu danbeyn Madaxweynaha waxaan u sheegaynaa haddii uu u dabco cadaadiska uga imanaya qaar ka mid ah beelaha ee leh hadaan naloo magacaabin R/wasaraha Somalia in ay dowlada mucaaradi doonaan, in beesha Mareexaana qaadan doonto go’aan adag oo ay uga jawaabayso arinkaas kaas oo saameyn doona Gobolada Beesha Mareexaan ay ka dagto wadanka Somalia ee kala ah Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyo Gobolka Gal-gaduud ee badhtamaha Somalia.

 

SUBULAHANEWS./SOMAALINET.COM

MUQDISHO/SOMALIA

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook