Hargaysa(Somaalinet)Sida uu maanta qoray Wargeyska Gazzzete ee ka soo baxa dalka Sacuudiga in Haweeney Soomaali ah ay dil ugeysatay ninkeeda kadib markii la sheegay in uu soo dhex galay muran xoogan oo ku aadan xaga Maseerka .

Haweeneydaan dilka geysatay ilaa iyo hada lama shaacin magaceeda hayee shee sida ay sheegayan Boliiska magaalada Jeddeh ee dalka Sacuudiga in Haweeydaan Soomaliya gacanta lagu dhigay isla markaana xabsiga loo dhaadhiciyay.

Jen Misfer Al-Jaacid oo ah Afhayeenka booliska magaaladda Jeddah ayaa sheegay in Haweeydaan Soomaalida ah ay dil ugeysatay ninkeeda oo isna Soomaaliya udhashay isagoona sheegay in ay dilka u adeegsatay Tooreey ama Mindi.

Sida uu shaaciyay Wargeyska warkaani soo qoray in Haweeneyda dilka geysatay iyo ninkeeda uu dhex maray muran xoogan oo ku aadan xaga Maseerka.

Sida ay shaaciyeen dadka deegaanka in Haweeneydaani Soomaalida ah ay ninkeeda ku dishay iyagoo ku dhex dabaalanayo baraagta Qubeyska waxaana boliiska markii ay guriga yimaadeen ay arkeen Meydka ninkaani Soomaaliga oo baraagta qubeyska ku dhex jira.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Jeddeh ee dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in boliiska gacanta ku dhigay Haweeneydaani ay su?aalo weydiinayaan kaasi oo ku aadan sababta ay Seygeeda ku dishay.

 

Mohamed ibrahin yusuf

albukhaari1987@hotmail.com

Hargeisa

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook