Hargaysa(Somaalinet)Sida wakaaladaha wararka dunidu ku waramayaan araga Sh. Xasan Nasrallah ayaa noqonayaa kii shanaad ee tan iyo sanadkii 2006-dii lagu arko meel fagaare ah, waxaanu aragtidiisani xigtaa tii sanadkii hore markii loo dabaal degayay maalinta xuska Cashuura oo Shiicadu si wayn u wayneeyaan si ka dis ah meel fog looga dhex arkay isaga oo ka sii baxaya goobtii xuskaas lagu qabtay isaga oo aan wax hadal ah ka jeedin.
Dad tira badan oo mudaharaadayay ayay ku soo boodo iyo arrin aanay u fadhiyin ku noqotay soo muuqashada Sh. Xasan Nasrallah, waxaanay dadkaas oo markii hore dibad baxooda u watay si degan ay bilaabeen xamaasad aad heerkeedu sareeyo, waxaanay ku dhawaaqeen mar qudha (Allaahu Akbar), in badan oo ka mid ahina waxa ay isku dayeen inay u dhawaadaan, hasa yeeshee umay suura galin oo waxa kala riixay ilaalada ammaanka Sheekha.
Sheekh Xasan Nasrallah waxa uu halkaa ka jeediyay hadal kooban waxaana ka mid ahaa (Waa waajib in diidmada iyo cadhadeenu u socdaan si wanaagsan oo u adeegaysa danta aynu leenahay, waa in aynu hor istaagnaa sidii cayda iyo aflagaadaynta loo joojin lahaa, waa in aad iska joojisaan oo gabi ahaanba albaabada u laabtaan shabakadaha baahiyay aflagaadada Islaamka iyo Nabiga (CSW).) ayuu yidhi Sheekhu.
Sheekh Xasan Nasrallah waxa uu aad ugu dheeraaday ahmiyada ay leedahay in islaamku ka dhiidhiyaan arrimaha noocan oo kale ah waxaanu, ku baaqay in laga soo saaro shuruuc xaarantinimaynaysa cayda iyo aflagaadaynta Anbiyada Alle ee ay ka midka yihiin, Nabiyullaahi Maxamed (NNKHA), Muuse, Ibraahim, Ciise iyo Nabiyada Alle oo dhan naxariis iyo nabad galyo korkooda ha ahaatee.
mudaharaadkan oo ahaa mid xamaasad badnaa waxa ay dadkii dhigayay muddo saacad iyo dheeraad ah ku sugnaayeen fagaaraha shuhadada ee koonfurta magaalada Bairut, ka hor intaanay socod ku dhex qaadin jidadka waaweyn ee dhinaca koonfureed ee magaaladaas halkaas oo ay aad ugu badan yihiin dadka aaminsan Mad-habta Shiicada ee Diinta Islaamka oo uu hogaamiye u yahay Sh. Xasan Nasrallah.
Mohamed ibrahin yusuf
albukhaari1987@hotmail.com
Hargeisa
