MUQDISHO(SUBULAHANEWS)Wararka aan ka helayno Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya ayaa sheegaya in Madaxwayne Xassan Sheekh uu Saacadaha soo socda ku dhawaaqi Doono Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federalka Soomaliya.

Mid kamid ah Shaqaalaha Xarunta Madaxtooyada oo la hadlayay Faafin Media ayaa xaqiijiyay in Madaxwayne Xassan Sheekh wada tashi badan oo uu la sameeyay Saaxiibadiis iyo odayaasha beelaha Soomaliya kadib la filayo in saacadaha soo socda uu shaaciyo cida noqonaysa Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya.

“Walaal la tashi badan oo madaxwaynuhu la sameeyay dadka ay ka go’do talada dalku waxaa suura gal ah in saacadaha soo socda la shaaciyo Raizul Wasaaraha Cusub, laakiin magac kuuma sheegayo” ayuu yiri mid kamid ah Shaqaalaha Madaxtooyada oo ka gaabsaday in magaciisa lagu shaaciyo Boggan.

Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaaliga Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahan kulamo is daba jooga la qaadanayay Qaar kamid ah Odayaasha iyo siyaasiyiinta Beelaha daarood ee ayagu saamiga u leh Xilkaasi, waxaana suura gal ah inuu madaxwaynuhu isla maantaba shaaciyo Raizul wasaarihii Cusub cida noqonaysa.

Lama saadaalin karo qofka sida tooska ah loogu magacaabayo Jagadaasi walow siyasiyiin badan ay maalmahaan shukaansi ugu jireen in jagadaasi loo magacaabo.

Madaxwaynaha Cusub ee Soomaliya ayaa Shacabka iyo guud ahaan umada Soomaliyeed ka sugayaan qofka uu soo magacaabi doono, waxaana ay dad badan sheegeen in aan la saadaalin karin Dowlada Cusub qorshaheeda ilaa lasoo magacaabo Raizul Wasaaraha.

Isku soo wada Duubo Madaxwayne Xassan Sheekh ayaa saacadaha soo socda looga fadhiyaa inuu si toosa u shaaciyo Wasiirka koowaad ee Xukuumada Federaalka Soomaliya.

SUBULAHANEWS/SOMAALINET.COM

MUQDISHO/SOMALIA

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook