Tan iyo markii uu soo baxey in xisbiga UDUB ka hadhey tartankii doorashada goloyaasha degaanka ee Somaliland waxa isa soo taraya hadal haynta dadweynaha ee ku sahabsan waxyaabaha sababey in xisbiga UDUB si dhib yar uga hadho doorashada degaanka isla markaana si fudud uga siibto salaanka siyaasadda ee Somaliland maadaama xisbigu ahaa midkii ugu horreeyey ee billowgii sanadka 2001 laga aasaaso Jamhuuriyada Somaliland.

Waa hubaal in dad badan ka wadda dharagsan yihiin khilaafkii dheeraa ee u dhexeeyey labadii garab ee ay kalla hoggaaminayeen madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin kuwaasi oo hawlgab ka dhigey halgankii qummanaa iyo hannaankii qaran ee xisbigu ku dhaqmi jirey wakhtigii uu gacanta ku hayey taladda wadanka.

Guddiga diiwaangelinta ururada iyo ansixinta axsaabta ayaa laalley murashaxnimada xisbiga UDUB ee Cali Waran Cade iyo Axmed Xaaji Daahir taasi oo iyana sababtey in ay xisbigii ka dareeraan dhammaanba taageerayaashii uu ku lahaa gobolada dalka oo dhan waxaaney arrintaasi keentey in madaxda xisbiga immika hoggaamisaa ay Komishanka qaranka ka dalbadaan mag dhaw inta uu qadarkeedu leeg yahay aaney shaacin, balse taas badalkeeda waxa ka jawaabey oo gannafka ku dhuftey afhayeenka Komishanka qaranka Maxamed Xirsi Geelle oo yidhi “Wax mag dhaw ah oo xisbiga UDUB naggu leeyahay ma jirto, waanan ka xunahay in uu xisbigu ka hadho tartanka doorashada”.

Hadalka ka soo yeedhey Komishanka qaranka waxa uu dhaliyey dareen cadho leh oo ay warbaahinta ku soo bandhigaan madaxda xisbiga UDUB majaraha immika u haysa waxaana siyaasiyiinta arrintan ka hadley ka mid ah Axmed Xaaji Daahir oo hore u ahaa Wasiirkii Wasaarada Warfaafinta ee Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin isla markaana immika ah musharaxa jagada madaxweyne kuxigeen ee xisbiga UDUB.

Axmed Xaaji Daahir isaga oo arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi “Haddii xisbiga UDUB la waayey Awdalna doorasho ka dhici meyso”, sidda qaalibka ah siyaasiga wannaagsan marka ay is qabtaan ragga filkiisa ah waxa uu arrinta ka abaaraa halka ugu darran ee uu is leeyahay waad ku soo dhacsan kartaa xaqa kaa maqan ee maankaagu tabayo sidaas darteed buu Axmed Xaaji Daahir ugu tiraabey haddii UDUB la waayey Awdalna waa la waayi doonaa.

Maalintii uu Axmed Xaaji Daahir eraygaa yidhi illaa maanta waxaa shaashadaha telefishanada Soomaalida ka soo baxa dad reer Awdal ah oo u jawaabaya Axmed Xaaji Daahir kuwaasi oo isugu jira Salaadiin, Siyaasiyiin iyo qeybo ka mid ah dhalinyada deggan magaalada Borama, dabadeed malaheygu wuxuu is weydiiyey tallow intii Cukuse laga casiley afhayeenka madaxtooyada mallaha Xukuumada Axmed Siilaanyo waxey sameysatey afhayeeno fara badan oo waliba u badan reer Borama hadanna waxa uu xiskeygu xusuustey oo waliba si waafiya qiraale ugu noqdey maah maahdii aheyd Doqoni nin ay taqaan iyo tolkeed kamma dul tagto.

Waxaan qabbaa oo aan leeyahay kuwaasi siyaasiyiinta iyo salaadiinta isu sheegaya ee Ina Xaaji Daahir u jawaabaya haddii ay raganimo aad ku faantaan isu ogtihiin amma ruux nooli naftiinna ku jirto wax badan oo fara badan oo waliba maanta u baahan in lagga jawaabo ayaa daadsan gudaha badalka aad ku nooshihiin ee ka kooban Awdal, Salal iyo Gabiley.

Haan soo qabto qoddobada ugu muhiimsan iyo arrimihii ugu dambeeyey ee ka socda goboladaasi aan magacyadooda korka ku xusney iyo waliba sidda ay arrimahaasi ugu baahan yihiin nin hooyo fariid ahi dhashey oo fariinta jawaabtooda u jillib dhiga.

La soco qeybta labaad.

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews Editor

Camuudnews@gmail.com

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook