Buuhoodle(Subulahanews)-Badhasaabkii Gobolka Buuhoodle ee Somaliland Xariir Axmed (Xariir Gadh-weyne) oo dhawaan socdaal nabadeed ku tagay halkaasi, si uu Saleebaan Xaglo-toosiye ugu taageero dedaalada nabadeed uu ka dhex waddo dadka deegaanka Buuhoodle ayaa shalay si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu dawlada u hayey.

Mr Xariir Gadh-wayne, waxa uu sheegay inuu isku casilay dhowr sababood oo ay ugu wayn tahay sida ay u kala fog yihiin shacabka reer Buuhoodle oo uu ka soo jeedo iyo dawlada Somaliland oo dhowr jeer oo hore dagaal dhex maray.

Xariir Axmed oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Buuhoodle ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu iska nasto isla-markaana xaaladiisa caafimaad khasbayso inuu iska cibaadaysto inta Cimbirigiisa u hadhay “Aniga oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Buuhoodle ee Somaliland, waxaan cadeynayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayey Somaliland, waxa igu kalifay iscasilaadaasi laba qodob oo kala ah”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaan arkay dawladii aan u shaqeynayey iyo shacabkaygii halka ay kala taagan yihiin iyo sida ay u kala fog yihiin, waxaan go’aan ku qaatay inaan iska casilo xilkaasi, ta labaad aniga oo xaalad daro qabba, waxaan jeclaystay inaan iska nasto oo aan ka baxo siyaasada, inta ii hadhayna aan cibaadaysto”

Badhasaabkii hore Buuhoodle waxa kale oo uu soo qaaday oo uu soo jeediyay shacabkiisa “Waxaan u soo jeedinayaa shacabka reer Buuhoodle, waxaan leeyahay halka aynu gaadhnay maaha meel umaddi gaadhay, waxaynu gaadhnay inaynu nidhaahndo waxaynu la dagaalamaynaa Puntland, Somaliland iyo Itoobiya, bal horta ma iswaydiinay Madfaca aynu kula dagaalamayno intaasi oo dhan nooca uu yahay, inagu ma dawlada Maraykanka oo kale ayaynu nahay, mise dad shacab ah oo xoolo dhaqata ah ayaynu nahay oo danlay ah, waxaan ku dardaarmayaa inaynu nabada ka shaqeyno oo aynu cidii dani inaga dhaxayso ee dani inaga dhaxayso aynu nabad kula noolaano, waa inaynu horumarka ka shaqeyno dadka waynu ka hadhnaye”ayuu yidhi.

Sida ka muuqata hadalka Xariir ee uu ku sheegay inuu isku casilay halka ay kala taagan yihiin dawlada Somaliland iyo shacabka reer Buuhoodle, ayaa muujinaysa in culays lagu saaray inuu iska casilo xilkaasi.

Tallaabadan ayaa xagal daac ku ah hanaanka nabadeed ee xukuumadda Somaliland ka waddo deegaankaasi, isla-markaana waxay dhiiri-galin u tahay kooxaha Nabad-diidka ah ee dhibaatada ka wadda jiidahaasi.

 

SUBULAHANEWS/SOMAALINET.COM

BUUHOODLE

 

 


ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook