Muqdisho (Somaalinet News)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ay albaabada u xiran yihiin kula qaatay garoonka Aadan cadde safiiro ka kala socday 14 dowladood oo daneeya arrimaha Somalia kuwaasoo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

 

Safiirada uu kulanka la qaatay Madaxmweynaha ayaa waxa ay ka kala socdeen wadamada Holland, Danmark, Britan, Talyaaniga, Spain, France iyo qaar kale oo daneeya arrimaha Soomaaliya waxaana kulanka looga hadlay xaalada dalka iyo sidii ay beesha caalamka dowladda uga gacan siin laheyd dib u dhiska dalka iyo nabadeynta.

 

 

Kulankan markii la soo gabgabeeyay ka dib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Somalia, Suldaan Axmed Faarax Saciid oo sheegay in madaxweyaha uu sharraxaad ka siiyay safiirada howlaha dowladda cusub horyaalla iyo qorsheyaasha ay damacsan tahay in ku dhaqaaqdo

 

“Kulanka arimo badan ayaa looga hadlay Madaxweynuhu wuxuu u sharraxay danjirayaasha wajiga cusub iyo siyaasadda uu la imaanayo, meelaha uu xoogga saarayo iyo waxyaabaha looga baahan yahay inay beesha caalamka la timaddo si waajibaadka dowlada gacan loo siiyo,” ayuu yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada

 

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ku boorriyay safiiradii uu la kulmay inay kula dhaqmaan Soomaaliya siyaasad ka duwan tii hore maadaama hadda laga baxay nidaamkii KMG ahaa loona gudbay dowlad rasmi ah oo dalka ka dhalatay, wuxuuna ku boorriyay inay gacan ka geystaan sidii lagu xoojin lahaa hay’adaha kala duwan ee dowladda

 

Somaalinet News.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook