Kismaayo(Somaalinet News)-Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Somalia oo wada socda ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab magaalo kale oo muhiim ah, taasoo ay sheegeen inay ku kaabiga ku heyso magaalada Kismaayo.
Col. Cyrus Oguna Afhayeenka milateriga Kenya, ayaa sheegay dagaal saacado socday ka dib ay shalay ku qabsadeen degaan lagu magacaabo Janaay Cabdalle oo 50-km woqooyi galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo ee gobolka.
“Gallinkii dambe ee shalay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo wada jira waxay qabsadeen degaanka Janaay Cabdalla, Xoogagga Al-Shabaab ayaa looga dilay howgalkaas tiro ciidamo ah, sidoo kalena waxaa looga furtay hub fara badan oo kala nooc ah” ayuu yiri Col. Oguna.
Isagoo oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Nairobi ayaa Col. Cyrus Oguna Afhayeenka milateriga Kenya wuxuu sheegay inuusan jirin khasaare dhimasho oo dhinacooda soo gaaray intii uu socday howgalkaas hase ahaatee ay dhaawacyo fudud soo gaareen laba ka mid ah ciidamada Kenya iyo shan askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo uu sheegay in dhaawacyadooda loo qaaday degaanka Dhoobley oo uu ku yaalo isbitaal gaar ah oo ciidamada lagu baxnaaniyo.
“Qabashada Janaay C/lle waa mid muhiim ah oo u gogol xaareysa sidii aan u gaari laheyn magaalada Kismaayo, Waxaan ballanqaadaynaa in AMISOM aysan cidna waxyeello u geysanayan, sidoo kalena ay ka shaqeynayso sidii ay u xoreyn lahayd dadka Kismaayo, si ay awood ugu yeeshaan inay nabadku noolaadaan” ayuu intaa ku daray Col. Cyrus Oguna.
Somaalinet News.
