Borama(Subulahanews)
Culimada magaalda Boorama ayaa manta salaadii Jimcihii khudbadaha salaada badi ku soo qaatay Filmka fadeexda ku ah diinta islaamka iyo sharafta Nabi Muxamed NNKHA, kaasi oo abuuray dareen ka dhan ah dawlada Maraykanka iyo kooxdaasi samaysay Film-kaasi.
Sheekh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo ka hadlay mawduucan ayaa waxa uu sheegay in uu filimkaasi yahay mid qaldan isla markaana gaf ku ah diinta islaamka iyo Sharafta Nabi Muxamed NNKHA, Sheekhu waxa kale uu oo sheegay in marka ay dhacaan arimaha noocan oo kale ahi loo baahan yahay in diinta islaamka dib loogu noqdo, lagana sheekeeyo taariikhdii iyo siiradii Nabiga NNKHA iyada oo la soo bandhigayo wanaagii nabiga iyo waayahiisii.
Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar waxa uu isaga oo cuskanaya axaadiis iyo aayado qur’aan ah oo kabi ahaanba ku tilmaamay wax aan haboonayn, dilka iyo burburinta lagula kacayo madaxda iyo shaqaalaha ka wakiilka ah safaaradaha ku dhex yaaala dalalka Islaamka iyo meelaha ay ka dhacayaan isku soo baxyada balaadhan ee ka dhanka ah Film-kaasi.
Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa iyada oo todobaadkan horaantiisii uu isku soo bax nabdooni ka dhacay Boorama, kaasi oo qayb ka ahaa dareenada cadhada leh ee ay dadka muslimiinta ahi ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin Film-ka la magac baxay Innocent of Islam.
Subulahanews.com
Borama/Somaliland

