Wararka ka imaanaya Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa Tibaaxaya in halkaasi uu kulan Xasaasi ah oo albaabadu u xiranyihiin ku dhex mareen Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Raizul Wasaarihii Xukuumadii Tayo Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Kulanka oo Albaabadu u xirnaayeen isla markaana qaatay Saacado ayaan la ogayn waxyaabaha rasmiga ah ee ay isla lafa gureen Labada Masuul, laakiin Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Labada Masuul ay diirada isla saareen Cida Raizul Wasaaraha looga dhigayo dalka Afarta sano ee soo socota Hadii Rabi idmo.
Ma Jiraan Warar dheeraad ah oo ku saabsan Kulankaasi, walow qof ku sugan Xarunta Madaxtooyada oo la hadlayay Warbaahintay uu sheegay in ay suura galtahay in Madaxwayne Xassan Sheikh uu kulanka oga danlahaa sidii ay Farmaajo meel iskula saari lahaayeen Waxyaabaha uu qabanayo hadii loo doorto Jagada Raizul Wasaaraha, walow aan si toosa loo xaqiijin Kulanka labada masuul waxay iskula meel dhigeen.
Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya ayaa Maalmihii ugu danbeeyay waday kulamadiisii ugu danbeeyay ee kula tashanayo wax garadka iyo siyaasiyiinta Soomaliyeed, waxaana suura gal ah in maanta ilaa caawa si toosa loo shaaciyo Raizul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya.
Sikastaba Kulanka labada masuul ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee saacado badan qaata ee looga doodayo wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka Soomaliya.
Wixii kusoo kordha kala soco Wararkeena Danbe kulanka Labada Masuul.

