Garissa(Subulahanews)Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Garisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax gaystay qasaaro kala duwan.

Qaraxaas ayaa waxaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday ciidamada GSU-da ee dalka Kenya xili ay kusugnaayeen xaafada Ngema ee gudaha Magaaladda Garisa.

Goob jooge ayaa usheegay Dhabakada Durdurnews.com ee Magaaladda Nairobi in qaraxaas uu sababay dhaawaca ilaa sedex askari oo katirsan ciidamada Kenya.

Waxaa Ciidamadaas lagu dabgiibayaa isbitaal kuyaal gudaha magaaladaas Garisa oo ah halka qaraxa lagula eegtay ciidamada amaanka Kenya.

Howlgalo ayay ciidamada dowlada Kenya ka wadaan degmada Garisa, iyadoona la arkayo baaritaano si gaar ah looga samaynayo xaagfada Ngema oo ah halka qaraxa uu ka dhacay.
Marar badan ayaa qaraxyo ay ka dhaceen gudaha kenya kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyay Shabaab, waxaana magaaladda Garisa ay kamid tahay goobaha ay ka dhaceen qaraxyada ugu badan.

SUBULAHANEWS.COM

GARISSA/KENYA

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook