Xili uu Maanta Magaalada Muqdisho ay soo gaareen qaar kamid ah Safiirada Wadamada Yurub qaarkood isla markaasina ay kulan kula qaateen Muqdisho Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud.

Kulanka oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aaden Cade) ayaa waxaa lagu lafa guray Is badalka siyaasadeed ee dhawaan dalku galay waxaana Madaxwayne Xassan Sheikh Maxamuud ay is waydaarsadeen Fikrado dhowra.

Hadaba Warar ay Somaalinet.com ka heshay Kulankaasi ayaa Tibaaxaya in Madaxwaynaha Cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ay kula taliyeed in uu Raizul Wasaare usoo Magacowdo nin horay usoo shaqeeyay.

Safiiradan ka socday Wadamada Yurub ayaa Madaxwayne Xassan Sheikh kula taliyeen inuu ka fiirsado qofka uu usoo magacaabayo Jagada Raizul Wasaaraha, waxaana la sheegay talooyinkii ay siiyeen inay qayb ka ahaayeen inuusan soo magacaabin Dad caanku ah Musuq maasuqa iyo wax is daba marinta isla markaana uu meesha keeno nin aqoon iyo Hufnaan buuxda uleh xilka loo dhiibayo.

Sidoo kale Safiirada ayaa sheegay inay Cusub yihiin Madaxda Imika Talada haysa sida Madaxwaynaha Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana ay sheegeen in qof horay usoo shaqeeyay meesha la keeno si aysan u noqon dad wada cusub oo hada siyaasada somalida la kowsanaya.

Sikastaba Talooyinkaan ay manta siiyeen Safiirada Wadamada Yurub Madaxwayne Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Imaanaya xili Dhawaan laga sugayo inuu keeno Raizul Wasaarihii afarta sano ee soo socota dalka la maamuli lahaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Subulahanews/Somaalinet.com

Muqdisho/Somalia

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook