Qeybtii hore ee mawduuca maqaalkan waxaan kagga hadalney amma aan ku faah faahiney Siyaasiyiintii iyo Salaadiintii u jawaabtey Ina Xaaji Daahir kuwaasi oo ay karaamadooddu ku sifowdey maah maahdii aheyd doqoni nin ay taqaan iyo tolkeed kamma dul tagto maadaama ay dalka gudihiisa ka jiraan duruufo badan oo u baahan in lagga jawaabo.
Haan soo qabto qoddobada ugu muhiimsan iyo arrimihii ugu dambeeyey ee ka socda gobolada Awdal, Salal iyo Gabiley iyo waliba sidda ay maanta arrimahaasi ugu baahan yihiin nin hooyo fariid ahi dhashey oo fariinta jawaabtooda u jillib dhiga.
1- Beesha Ciise ayaa shir isugu timmid tuulada Ceelgaal ee gobolka Salal, shirkaasi waxaa abaabulkiisa ka dambeysey dawladda Jabuuti, dadka meesha la isugu keeneyna waxaa badankooda lagga soo daabbuley degaanada hoos yimmaada Jabuuti iyo gobolka Shiniile ee ka tirsan Killilka 5aad ee dalka Ethiopia, illaa iyo maanta meynu arag Suldaan amma Siyaasi reer Awdal ah oo ka hadley shirkaas amma ka jawaabaya qoddobadii ka soo baxey oo dhammaantood lidi ku ahaa qadiyada iyo jiritaanka gobolada Awdal iyo Salal.
2- Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo beesha Ciise ugu jira Baarlamaanka Somalilanad mar aan habeen dhaweyd ka dhageysanayey Idaacada isaga oo jooga magaalada Hargeysa kanna hadlaya doorashada goloyaasha degaanka wuxuu yidhi “Magaalada Saylac waxaan u ogolnahay saddexda Xisbi ee oggol in dhammaan 17ka xildhibaan ee golaha degaanku noqdaan beesha Ciise, Xisbiga aan taas ka raali aheyn waxaan ogeysiinayaa oo aan fareynaa in aanu isku soo lugeyn magaalada Saylac” illaa iyo maanta meynu arag Suldaan amma Siyaasi reer Awdal ah oo ka hadlaya arrintaas amma u jawaabaya Xildhibaan Cali Aareeye.
3- Sidda aan la wadda socono muddo dheer ayuu xidhnaa golaha degaanka ee magaalada Lughaya kadib markii sabab looga dhigey in dhul lagu muransan yahay hoos yimmaado degmada Lughaya, haddaba sidii uu immika u billowdey ololaha doorashada golayaasha degaanka ee Somaliland waxey Xukuumada Axmed Siilaanyo soo jeedisey iyadda oo adeegsaneysa Siyaasiyiinta reer Awdal ee ku jira golaha Xukuumada in dib loo furo golaha degaanka ee degmada Lughaya isla markaana muranka jira ee la xidhiidha dhinaca dhulka lagu xaliyo saami qeybsi dheeli tiran oo dhigaya in 17ka xubnood ee golaha degaanka degmada Lughaya lagu salleeyo saami qeybsi simman taas oo qorshaha heshiisku qeexayo in toddoba xubnood la siiyo beesha Gadabuursi, shan xubnoodna la siiyo beesha Ciise halka shanta xubnood ee kalena la siinayo beesha Isaaq, illaa iyo maanta meynu arag Suldaan amma Siyaasi reer Awdal ah oo ka hadlaya arrintaas amma ka jawaabaya qorshaha iyo shir qoolka xun ee ay maleegeyso Xukuumada Axmed Siilaanyo lanna maagan tahay golaha degaanka ee magaalada Lughaya taasi oo ay rabto in mustaqbalka majaro habaab ku dhaco mulkiyadda dhulweynaha hoos yimmaada degmada Lughaya oo dhammaanba lahaanshihiisu gaar u yahay Boqorka Raxmaanka ka sokow beelaha Gadabuursi.
4- Golaha degaanka ee magaalada Gabiley oo ka kooban 21 Xildhibaan waxaa la diidey in ay saamigooda cod iyo doorasho xalaal ah ku qaataan beelaha baha Samaroon oo degaan ahaan ku badan degmada Gabiley waxaa kale oo la qorsheeyey fulintiisana la dajiyey in Xildhibaan ka soo jeeda beelaha baha Samaroon iska soo sharixi karin Xisbiyada tunka waaweyn ee ay dadka Somaliland tuhunsan yihiin in ay ugu dambeynta noqonayaan saddexda Xisbi ee ku soo bixi doona tartanka doorashada axsaabta Somalialnd, illaa iyo maanta meynu arag Suldaan amma Siyaasi baha Samaroon ah oo ka hadlaya amma ka jawaabaya arrintaas isla markaana soo bandhigaya doodiisa ku saleysan xaqa iyo cadaaladda uu saami ahaan ku leeyahay golaha degaanka ee degmada Gabiley.
Sidda muuqata Sabankii hore iyo sanadihii aan ka soo gudubney dadka reer Awdal waxaa u talin jirey odayo maskaxmaal ahaa oo mararka qaar haddii ay is qoonsadaan si basar leh isugu jawaabi jirey, waxey ahaayeen odayo taladda gorfeeya oo wixii xun sidda ku haboon u toosiya kuwaasi oo si wannaagsan u tilmaami jirey wax kasta oo tolka ka qaloocan, waxa kale oo intaas u dheereyd in ay ahaayeen odayo sirta guud ee ka dhaxeysa aan si dhib yar loogu dhici jirin sanduuqa ay ku jirto.
Malaha dareenkeygu wuxuu maanta tamanninayaa tallow haddii odayaashaas la soo aakhri toosin lahaa misna adduunyada dib loogu soo celin lahaa dabaddeedna arladii Awdal ee ay u dhasheen la dhex keeni lahaa, maxey odhan lahaayeen?
Marka ay arkaan Dhulkii ay difaaciisa u dhinteen oo si dhib yar loo bililliqeysanayo
Marka ay arkaan dhaqaalihii reerka oo meel kale ku xidhan (Dekad la’aan)
Marka ay arkaan masiirkii iyo mawqifkii reer Awdal oo maalin cad la meher xadey
Marka ay arkaan siyaasadii reer Awdal oo muddo dheer aradan dabaddeedna calal hun ah magaalada Hargeysa ku dhex joogta
Marka ay arkaan aqoonyahanadii loo hanweynaa ee fekerkooda lagu faani jirey oo faruuryahoodii koolo iyo xabag lagu xidhey
Marka ay arkaan siyaasiyiintii reerka u kacey oo qeyrkood kabaha u qaadaya kadibna aan ka diirnaxeyn dulmiga lagu hayo dadkooda
Marka ay arkaan midnimo la’aanta TOLKA dhexdiisa taala ee dhaqankii isku hayeyna dharaar cad laggu kalla dhaqaaqey.
Marka ay arkaan odayaasha immika jooga ee taladda reerku ka go’do sidda uu yahay garaadkooda liita, Waxey anniga illa tahay in ay odhan lahaayeen “Ifkaba aakhiraa ka roone, waar xabbaalihii aan ka soo baxney dib inoogu celiya”.
Waayeel Soomaaliyeed baa lagga hayaa “Malaha Ifka waan ku soo ambadee halkii la ii abbuurey maan imman” runtii eraygaasi waa mid dhinac marka lagga eego gaf iyo deel qaaf ku ah jiritaanka adduunka iyo abbuurka Rabbi ee la xidhiidha dhinaca aadamaha laakiin anigu waxaan qabbaa in ay waayeelka kalmadaasi ka keentey kadib markii uu waayey wannaagii, sharaftii iyo karaamadii uu la rabey Tolkii dhanka kalena waxa uu ciil kaambi ka dhiganayaa in uu ka dhalan lahaa reeraha Soomaaliyeed ee aan xaqooda iyo xuquuqdoodda laggu kici karin, waxaanse qoraalka maanta iyo murtida qalinka kagga baxayaa xikmada dhabta ah ee tidhaahda “Ninkaan run kuu sheegin run kuuguma ooyo”.
La soco qeybta saddexaad
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
