Saylac(Subulahanews)-Ciidamo Booliis ah oo la sheegay Taliyaha Qaybta Booliisku inuu Amar soo siiyay ayaa saaka Salaadii Gurigiisa kala baxay Wariye Ayaanle C/laahi Diiriye oo Telefishanka Qaranka uga soo warama Gobolka Selal.

 

Wariyaha oo warbaahinta khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay markii ay Booliisku gurigiisa ka kaxaysanayeen ayaa sheegay in aanu garanayn sabab ay Booliisku u xidhayaan balse waxa uu cadeeyay in Saldhiga lagu hayo, iyadoo aan ilaa saaka wax danbi ah oo lagu haysto aanay Booliisku keenin.

 

Warar kale oo dheeraad ah oo ka soo baxaya Xadhiga Wariye Ayaanle lagula kacay ayaa sheegaya in Xoghayaha Dawladda Hoose ku dacwayanayo Wariyayaal kale ayuu Telefoonkayga siiyay oo ila soo xidhiidhay, taasoo aan sabab wariye loo xidho noqonayn.

 

Wariye Ayaanle waxa uu ilaa hada ku jiraa Saldhiga Booliiska ee Saylac waxaanu tirsanayaa in ay dhibaato ka soo gaadhay Booliiska isagoo sheegay saaka sidii Gurigiisa looga soo kaxeeyay inuu sabab la’aan ugu jiro Saldhiga.

 

Source:Waaheen

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook