Hargaysa(Subulahanews)-Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya Michele Cervone D’Urso, ayaa si wada jir ah uga hadlay nuxurka kulanka Madaxwaynaha.
Wasiirka arimaha dibada oo markii kulanku dhammaaday Warbaahinta la hadlay isaga oo uu weheliyo ergay Michele Cervone D’Urso ayaa sharaxay waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxwayne Siilaanyo iyo Michele Cervone D’Urso, waxaanu yidhi “Waxa ergaygu kulan balaadhan la qaatay Madaxwaynaha Somaliland, waxaana laga wada hadlay iskaashiga ka dhexeeya ururka Midowga Yurub iyo Somaliland, haddii ay noqon lahayn iskaashiga xagga biyaha iyo mashaariic faro badan oo ururka Midowga Yurub ka caawiyo Somaliland, waxa kale oo ay ka wada hadleen doorashada deegaanka iyo doorka wanaagsan ee beesha caalamka, khaasatan Midowga Yurub uu ka qaato, waxa kale oo laga wada hadlay baahiyaha kala gedisan ee Somaliland qabto ee aanu jecelahay in ururka Midowga Yurub mustaqbalka naga caawiyo”ayuu yidhi.
Ergayga Midowga Yurub ee arimaha Somaliya Michele Cervone D’Urso oo isna hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay inuu Muqdisho uga soo duulay si uu Somaliland ugu balan-qaado in Midowga Yurub sii wadayo iskaashigii Somaliland “Waxaan ka soo duulay Muqdisho, si aan u balan-qaado in Midowga Yurub sii wadayo (Iskaashigii Somaliland) iyo inaan hoos ka xariiqo in Somaliland tahay fure ka mid ah horumarka midowga Yurub”ayuu yidhi.
SUBULAHANEWS.COM
HARGAYSA/SOMALILAND

