London(Somaalinet)Sidda aan la wadda socono waxaa dhawaan qarax ismiidaamin ahi ka dhacey Hotel  Jazeera oo ku yaalla duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kaas oo  lalla beegsadey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud  wakhti uu kulan ballaadhan kulla jirey wafti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha  dibadda ee dalka Kenya Sam Ogeri. Wargeysa Dail Nation ee ka soo baxa  magaalada Nairobi ayaa Isniintii daabacey war sheegaya in ay dawlada Kenya  qaraxaas ku eedeysey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif  Sheekh Axmed kadib markii uu wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya  warbaahinta kulla hadley Nairobi isaga oo faah faahin ka bixinaya weerarkaas  ismiidaaminta ahaa ee lagu qaadey Hotel Jazeera oo uu wakhtigaas deganaa  madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.   Haddaba mar uu wargeysku soo xigannayey hadalka wasiirka waxa uu yidhi “Waxaa  ila soo xidhiidhay Shariif Sheekh Axmed Madaxeynihii hore waxaa uu ila hadlayay  Muddo saacad iyo badh ah intii uu socday ololaha Musharixiinta oo aan la gaadhin  Xiligii Doorashada, waxa uu igala hadlayay sidii ay dowlada Kenya ugu Taageeri  lahayd in uu mar kale Xilka ku soo laabto laakiin aniga waxaan u sheegay inaanay  Kenya Taageero siineyn Musharax gaar ah, kadibna ma wanaagsaneyn Xidhiidhka  Madaxweyne Shariif iyo Madaxda kenya, waxaanse la yaabay Maalintii Qaraxu dhacay  Markii aan arkay Sheekh Shariif Axmed oo taagan Hotelka uu qaraxu ka dhacay  isagoo aan naxsaneyn oo aan u haysanba in ay Wax dhaceen, sidaas darteed waxaan  odhan karaa Shariifka ayaa ku lug lahaa amma ka dambeeyey Qaraxyada” Waxa kale  oo wargeyska lagu daabacey in wasirku yidhi “Qaraxu waxa uu ahaa mid qorshyesan  oo si weyn looga soo shaqeeyey”. Maalin kadibna waxaa magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtey madaxweynihii  hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed isaga oo iska fogeynaya  inuu ku lug lahaa qaraxaas ka dhacey Hotel Jazeera waxa uu yidhi “waxaan ku  tilmaami karaa nasiib daro iyo wax aad looga xumaado waxa uu wasiirka arrimaha  dibadda ee dalka Kenya ku hadlay waana mid aan ka turjumeyn masuuliyad, waanad  ogtihiin xiliga uu wasiirku xilka hayo in ay tahay waqti gaaban oo kooban wax  xumaan ah oo mudadaas na dhex marteyna ma jirto sidoo kale dawlada Kenya waxaa  ay aheyd mar hadii waqtigii aan masuuliyada hayay ay dhamaatey in wixii na dhex  maray meesha ay ka baxdo laakiin waxaa muuqata in colaadi jirto oo ay cuqdadi  jirto taasina ma kaalmeeyneyso wada noolaanshaha labada shacab iyo xiriirka  labada dawladood ee Somalia iyo Kenya”.
Waxa uu Sheekh Shariif intaa ku daray in uu ogaa Kenya in aysan dhex dhexaad  ka aheyn doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Muqdisho taas oo uu la  socodsiiyay Wadamo badan oo Caalamka ah isagoona intaa ku daray in aysan jirin  kaalmo iyo tagaeero uu Kenya weydiistey si uu Mar kale Madaxweyne u noqdo  haddaba mar uu Sheekh Shariif arrimahaas ka hadlayey waxa uu yidhi “Aniga Kenya  waxba ma warsan dhaqaalana ma weydiisan sidoo kale cod ma weydiin oo wasiirku  cod ma dhiibaneyn, mar uu ila soo hadlayna waxaan u sheegay in ay dhex  dhexaad ka noqdaan doorashada, mana jirto cilaaqaad badan oo Wasiirka naga  dhaxeeyay oo aan ku wadda hadli karnay maadaama uu waqti kooban xilkaasi  hayo”. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay hadalkii Wasiirka ee  ahaa in uu wax yar kadib yimmid Hotelkii uu Qaraxu ka dhacay waxa uuna sheegay  Sheekh Shariif in ay taasi aheyd Masuuliyad isaga saarneyd sidaana uu u tagay  goobta waxana qorshihiisu ahaa in uu ka soo kaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh  Maxamuud isaga arrimahaas faah faah ka bixinaya waxa uu yidhi “Dhacdadaasi waxaa  ay aheyd dhacdo xun, waxaana meesha u tagay waxaa ay aheyd gurmad iyo in  madaxweynaha in aan ka soo saaro meesha sababtuna waxaa ay tahay mar hadii  meesha uu shil ka dhaco waxa ugu horeeya ee la qabto waa in madaxda laga soo  saaro meesha maadaama aan aaminsanahay in khibradeeda aan lahaa masuuliyadna i  saarneydna aheyd in madaxweynaha aan ka soo saaro Hutelka uu degana ee qaraxu ka  dhacey sidda aad la wadda socotaana qaraxaas Al Shabaab ayaa sheegatey mana  jirto sabab la igu soo leexiyo, waxaana muuqata in wasiirka ay ku jirto colaad  fogaatay oo aan macno laheyn waanan canbaareeyneynaa”. Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyntii Warbaaihnta goobta joogtey u sheegay in uu  hadda wixii dambeeya u dulqaadan doonin in wax laga Sheego uu iska aamuso taas  oo uu sheegey in uu marar badan u dulqaatay isla markaana ay sababtey in mar  walba wax laga sheego isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Hadda kadib  ma dhici doonto in aan iska aamuso inta wax la iga sheego qofkii wax iga sheega  aniguna waan ka dabba hadlayaa wax baanan ka sheegayaa, waxaana dhax dhaxaad noo  ah warbaahinta oo noo gar qaadi doonta” ayuu Sheekh Shariif hadalkiisa ku soo  gabo gabeyey. Dhanka kale dawlada Kenya ayaa beenisey warka ay baahiyeen warbaahinta  adduunka iyo sidoo kale tan Soomaalida kaasi oo ku sahabsan in dawldada Kenya ay  qaraxaas ku eedeysey in uu ka dambeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, shir  jaraa’id oo uu magaalada Nairobi mar labaad ku qabtey wasiirka arrimaha dibadda  ee dalka Kenya Sam Ogeri wuxuu kaga hadley wararka ay baahiyeen warbaahintu kaas  oo ku sahabsanaa inuu sheegey war ku aadan qaraxii ka dhacey Hotel Jazeera inuu  ka dambeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sam Ogeri wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegey in marnaba aysan suura gal ka  aheyn inuu eedeyn u jeediyo Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Sheekh  Shariif Sheekh Axmed isla markaana uu cadeeyey in aanu qaraxaasi isagu ka  dambeyn wasiirka oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yidhi “Sidee ayey u suurtoobi  kartaa in aan qaraxa ku eedeyno qof masuul ah oo gurmad noogu yimmid isla  markaana noo muujiyey dareen naxariis leh oo tilmaamayey in uu ka xun yahay waxa  dhacey” Sidoo kale mar uu ka hadley qaabkii uu Sheekh Shariif xilka u wareejiyey  waxa uu wasiirku yidhi “Sheekh Shariif waa nin geesi ah oo aan aad ugu  faraxsanahay habkii quruxda badneyd ee uu xilka madaxtinimada u wareejiyey”. Inkasta oo hadalka dambe ee ka soo yeedhey Wasiir Sam Ogeri la odhan karo waa  tallaabo diblamaasiyadeed oo wadda tashi dambe laga galey hadana dadka aadka u  indho indheeya Siyaasada Geeska Afrika waxa ay leeyihiin Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuu ku deg degay jawaabta uu ka  bixiyey eedaas dusha laga saarey waxaaney dadkaasi qabaan in ay arrintani ku  habooneyd Sheekh Shariif oo xalkeeda ku baadi gooba mid ka duwan ka uu la  tiidsadey shirkiisa jaraa’id. Si kastaba ha ahaatee hadaladaas is burinaya ee ay warbaahinta isku mariyeen  Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiir Sam Ogeri ayaa ah tallaabo u  baahan in ay tusaale wannaagsan kala baxaan madaxda immika ka talisa Somaliland  iyo Soomaaliya taasi oo ah in qofka masuulka ah marka wax laga sheego aanu ku  deg degin qabashada shir jaraa’id iyo jawaabta arrinta balse uu isku taxalujiyo  sidda dhabta ah ee ay ku timmid in wax laga sheego oo waliba lagu baahiyo  warbaahinta oo dhan.

Abdirisaq Mohamed Barkhad

Senior Camuudnews

Editor Email: camuudnews@gmail.com

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook